Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Soomaaliya laga ciribtiray cudurka dabeysha
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in cudurka dabeysha laga cirib tiray
guud ahaan dalka Soomaaliya muddadii
sadexdii sano ahayd ee la soo dhaafay.
Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabad dowladda ay ku soo bandhigaysay mira
dhalka dadaalladii lagu dabar- gooynayey cudurka dabaysha ayaa waxa uu ku
ammaanay shacabka Soomaaliyeed, wasaaradda caafimaadka iyo hay’addaha
bah-wadaagta la ah sida ay ugu dhabeeyeen higsigoodii ku aaddanaa ciribtirka
cudurkan dilaaga ah.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay joogteyso dadaallada
lagu ciribtirayo, loogana hortagayo cudurrada dilaaga ah oo ay dabeyshu kamid
tahay sida ku cad Qorshaha Horumarinta Dalka.” ayuu yiri Madaxweynahu.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka iyo laamaha caafimaadka in ay u
wada istaagaan sidii loo xaqiijin lahaa in mar kale cudurka dabaysha aanu kusoo
laaban dalka.
Guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah cudurkan dilaaga ah ayaa ku timid
dadaallo isdaba joog ah oo soo socday in ka badan 30 sano.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]