Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) - Qaraannada u doodaya xubnaha cabashada ka keenay doorashadii xubnaha gollaha shacabka ayaa ugu baaqay hay’addaha dowladda in la fuliyo go’aankii ay horay u gaartay maxkamada sare ee ka dhanka ahaa 8 xildhibaan ee kuraastooda lagu muransan yahay.
Qareennadan ayaa sidoo kale ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya in ay dib u eegaan sharciga, iyaga oo sheegay in Siddeeda Kursi ee Muranka ka jiro doorashadooda dib loogu noqdo.
Akhriso :
Go'aanka maxkamada sare ayaa horay waxaa ugu gacan seyray baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ku tilmaamay mid sharci darro ah, taasoo markii danbe keentay in wasiirka dastuurka oo arintaa ka hadlay looga yeero baarlamaanka.