4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2017
SWEDEN: Soo dhaweyn loo sameeyay Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya


Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Stockholm, caasimadda dalka Sweden, ayaa xaflad casho sharaf ah oo soo dhaweyn ah waxa ay xalay ugu sameysay maqaayadda weyn ee Juba Restuarant Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan (Koofi) iyo Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo ka howl-gala xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Soo dhaweynta iyo xafladda oo aheyd mid si weyn loo soo abaabulay ayaa waxaa ka qeyb -galay qeybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee Stockholm, sida madaxda ururada bulshada, odayaasha, haweenka, dhallinyarada,aqoonyahannada iyo bahda ciyaaraha.

Waxaa halkaasi gabay qiimo badan oo waddaniyadeed ka soo jeediyey abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Abwaan Mustafa Shiikh Cilmi.

Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Maxamed Aadan (Koofi), oo safarshaqo ku jooga Yurub, ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed uga warbixiyey howlaha hey’adda iyo horumarka ay ka gaartay dhinaca maamulka arrimaha socdaalka. 

Sidoo kale waxa uu agaasimuhu ka warbixiyey arrimaha la xiriira baasaboorka Soomaaliga iyo aqoonsigiisa, wuxuuna ka jawaabay su’aalo la xiriira arrimaha socdaalka ee dalka.

Ugu dambeyntii waxaa kulanka qudbad aad dheer ka soo jeediyey Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare)ookahowlgalaXafiiskaMadaxweynaha.

Khudbada Cali Yare ayaa isugu jirtay ka warbixin xaaladd aguud ee uu dalka marayo, waxyaabaha u qamsoomay dowladda Soomaaliya, iyo qorshayaashooda soo socda.

Waxa uu sheegay in horumar weyn laga sameeyey dhinacyada amniga, dowlad wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Kulanka soo dhaweynta waxa uu ku soo dhammaday jawi aad u deggan oo madaxdii iyo martigii joogtay ay ku qanceen.