4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 13, 2017
Mo Farah oo lumiyay in markiisii shanaad oo isku xigta uu ku guuleysto orodka masaafadda dheer

Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) –Maxamed Faarax (Mo Farah) ayaa xalay ku guuldareystay inuu ku guuleysto billada dahabka orodka shanta kun ee mitir ee tartanka ciyaaraha Atlaletic-kadda adduunka.

Tartanka ayaa waxaa uu ka socday magaalladda London ee caasimada England.

Haddii uu xalay ku guuleysan lahaa waxaa ay u noqon laheyd tarkankiisii shanaad ee isku xiga ee uu ku guuleysto, gaar ahaan tartanka masaafadda dheer. 

Sir Mo, ayaa galay kaalinta labaad halka Muktar Edris, oo u dhashay dalka Ethiopia-yana uu galay kaalinta koowaad, waxaana uu sidaasi ugu guuleystay billada dahabka, halka Mo Farah uu helay bilada qalinka.

“Waxaa uu ahaa safar dheer, balse wax la aamini karo ma ahan”, ayuu BBC-ddu u sheegay Sir Mo.

34-jirkan, ayaa siddeed maalmood ka hor ku guuleystay tartanka 10,000 ee miter, balse markan waa uu lumiyay tartankan.

Waa marki labaad oo uu ku dhacay inuu qaado bilada dahbiga ah dhamaan tartamadi caalamiga ahaa ee uu ka qeybgalay Mo Farah tan iyo sanadki 2011-kii.

Farah, oo afar jeer ku guuleystay ciyaaraha Olympic adduunka, ayaa xirfadiisa kusoo gaba-gabeynaya ku guuleysiga 10 koob oo dahab ah iyo labo qalin ah.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia