R/ku xigeenka “Dhalinyaradda Soomaaliyeed waa awoodda kali ah ee dalkeenu uu ku faano”
Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane
Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay
maalinta caalamiga ah ee dhalinyaradda aduunka oo sanad walba la qabto 12-ka
bisha Ogoosto oo ku beegeyd shalay.
Munaasabada ayaa waxaa soo qaban-qaabiysay Wasaaradda Dhalinyarada iyo
Ciyaaraha Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qayb galeen Xil-dhibaano, Xubno ka
socday Hay’addaha Qaramada midoobay iyo Ururada dhalinyaradda Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Soomaaliya Xil- Khadiijo
Maxamed Diiriye ayaa u hambalyaysay dhamaan dhalinyaradda Soomaaliyeed,waxayna
sheegtay in ay diyaariyeen qorsho yaal cad-cad oo lagu horumarinayo aayaha iyo
mustaqbalka dhalinyaradda, kuwaa soo rajadooda dib usoo celinaysa, sidoo kalena
waxay tilmaamtay in ay markii koowaad sameeyeen siyaasad lagu hagayo
dhalinyaradda, taasoo u sahalysa ka mid noqoshada iyo matalaadda door walba oo
ay tahay.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay
inu si wayn ugu faraxsan yahay ka soo qayb-galka xafladan lagu maamuusayo
maalinta dhalinyaradda aduunka oo qayb ka yihiin dhalinyaradda Soomaaliyeed,
taasoo hal ku dhigeedu ahaa “Dhisadda Dhalinyaradda Soomaaliyeed“ waxuuna
hambalyo u diray dhamaan dhalinyaradda caalamka gaar ahaan kuwa
Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Khadar oo ka sheekeeyay awoodaha ay dhalinyaradu leeyihiin
ayaa yiri “Ma jiro wadan horumar gaari kara hadii uusan helin cududda uu baahan
yahay, dhalinyaradda Soomaaliyeedna waa awoodda kali ah ee dalkeenu uu ku
faano, sidaas owgeed waa in dhalintu ay dareemaan in ay yihiin madaxdii maanta”
ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomalaiya .
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa balan qaaday in xukuumaddu ay
ka shaqeynayso dhiirigalinta dhalinta, kor uqaadida Mustaqbalkooda iyo in loo
sameeyo shaqo abuur dhalinyaradda, waxuuna u soo jeediyay Soomaaliyeed in ay
mideyaan fikradahoodda wanaagsan.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia