3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 12, 2017
Wasaaradda Ganacsiga Jubaland oo digniin u dirtay ganacsatada soo dejisa raashiinka Dhacay

Sabti, Augusto 12, 2017 (HOL) –Ayado mudoyinkii u danbeeyay ay magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobollada Jubooyinka kusoo badanayeen raashiinka waqtigiisu dhacay ee lagu iibiyo suuqyada ayay wasaaradda ganacsiga Jubaland soo saaray amar ay ku mamnuuceeyso in laga ganacsado raashiin waqtigiisii dhacay.

Fariis Jaamac Saleebaan, wasiirka wasaaradda ganacsiga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mudooyinkii u danbeeyay ay soo badanayeen ganacsatada Dekedda Kismaayo kala soo dagta raashiin dhacay, waxa uu xusay in cidii lagu helo laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

"Uma dulqaadan doonno in raashiin dhacay bulshada laga iibiyo, waxaan ku wargelinayaa maamulka Dekedda, waaxaha qaabilsan ilaalinta tayada raashiinka iyo laamaha amnigaba in ay arimahaasi il gaar ah ku eegaan," ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.

Qaar kamid ah bulshada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dukaamada magaalada lagu iibiyo cabitaanno iyo raashiin dhacay, airntaa oo ay sheegeen in ay tahay mid dhibaato u keeni karta shacabka.

Magaalada Kismayo waxaa ku taal Deked ganacsi oo ay kasoo dagaan raashiin iyo shixnado kala duwan, kuwaa oo loo iibgeeyo gobollada Jubooyinka iyo qeybo ka tirsan gobollada kale ee Soomaaliya, waxaa sidoo kale qaar kamid ah walxaha kasoo daga Dekedda Kismaayo ganacsi ahaan loo geeyaa xerooyinka qaxootiyada Dhadhaab ee dalka Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.












Click here
8/12/2017 10:22 AM EST
Sabti, Augusto 12, 2017 (HOL) –Wararka ka imanaya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in Al-shabaab halkaa ku toogteen labo dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen in ay basaas ahaayeen sida laga soo xigtay goob joogayaal ah.

8/12/2017 7:38 AM EST
Sabti, Augusto 12, 2017 (HOL) –Maxkamad ku taalla dalka India ayaa shalay oo jimco aheyd xukun ku riday 27 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo ciidamada India sanadkii 2011 ay ka qabteen badda dalkaasi.

8/12/2017 7:09 AM EST
Sabti, Augusto 12, 2017 (HOL) –Wafdi ka socda howlgalka Midowga Africa ee AMISOM iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Police-ka dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan laba maalin oo tababar ah waxaa ay usoo geba-gebeeyeen ciidamo police ah oo u diiwaan gashan maamulka Hirshabeelle.

8/12/2017 3:12 AM EST
Sabti, Augusto 12, 2017 (HOL) – Rasaas ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah xaafaddaha ay ku badan yihiin taageerayaasha hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, kaddib ku dhawaaqistii xalay Uhuru Kenyatta in uu ku guuleystay doorashadii madaxweynaha shanta sano ee soo socta.

8/12/2017 3:11 AM EST
Sabti, Augusto 12, 2017 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dib u furtay waddada isku xirta Isgoyska Shaqaallaha illaa Isgoyska KPP ee magaalladda Muqdishu.

8/12/2017 2:41 AM EST
Sabti, Augusto 12, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in ciyaaraha kala duwan ee la ciyaaro ay dadka kusoo jiideen ka shaqeynta nabadda, iyagoona kasoo jeesta colaadihii daashaday.

8/12/2017 2:27 AM EST
Sabti, Augusto 12, 2017 (HOL) –C/raxmaan Max’ed Cusmaan Timacadde, oo kamid ah saraakiisha ciidanka xooga dalka oo kusugan gobolka Bokool ayaa xaqiijiyay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay la waregeen deegaanla Abal oo dhawan ay ku dagaallameen Al Shabaab iyo ciidamo daacad u ah Abu Masuur.

8/12/2017 2:13 AM EST
Sabti, Augusto 12, 2017 (HOL) –Ugu yaraan 42 qof ayaa ku dhimatay kadib markii shil tareen uu ka dhacay magaallo xeebeedka dalka Masar ee Alexandria, sida wasaaradda Caafimaadka ay sheegtay.

8/12/2017 1:14 AM EST
Sabti, Augusto 12, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay dhigiisa Mudane Uhuru Kenyatta, kaas oo markii labaad loo doortay madaxweynaha dalka Kenya.