4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2017
Labada Manchester oo caawa wada ciyaaraya kulan derbi ah oo ka tirsan Premier League

 
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Kooxaha Manchester City iyo Manchester United, ayaa caawa wada ciyaari doona kulan ka tirsan horyaalka Premier League dalka Ingiriiska.

Kulanka labada Manchester ayaa waxaa uu ka dhici doonaa garoonka Etihad Stadium ee kooxda city ay leedahay, waxaana uu soo geli doonaa afar saac oo caawa ah xiliga geeska Africa.

Manchester City ayaa caawa waxaa garoonka ay kusoo geli doontaa shax ciyaareedka ah 4-2-3-1, halka Manchester United ay dhankeeda kusoo geli doonto 4-2-3-1, taas oo ka dhigan in shaxda labada kooxood ay tahay mid isku mid ah.

David De Gea ayaa kasoo muuqday goolka kooxda United-ka, halka Rashford uu noqon doono ciyaariyahanka afka hore ka ciyaari doona.

Labada Manchester, ayaa kaalmaha 4 iyo 5-aad kaga jira kala horeynta horyaalka Premier League, waxaa ka wada sareeya naadiyada ay wada xifaaltamaan ee kala ah Chelsea, Tottenham Hotspur iyo Liverpool.

Pep Guardiola iyo Jose Mourinho, ayaa ciyaariyahanadooda ula soo dardaarmay si kabada intii hore, taas oo micna gaar ah u yeeli doonta ciyaarta caawa.

Natiijada ciyaar kala soco halkaan:-

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia