3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2017
Midowga Yurub oo si Adag u Dhaliilay Nidaamka Qisaasta ee Somalia , warna ka soo saaray toogashooyin la fuliyay

Safiirka Midowga Yurub ee Somalia Veronique Lorenzo


Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) –Midowga Yurub oo Taageera barnaamijyada horumarinta Somalia ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka ay maxkamadda ciidanka qalabka sida ku fulisay dhowr dil oo is xig-xigay ,xilli ay jiraan maxaabiis fara badan oo dil sugayaal ah.

24 tii bishan afar xubnood oo lagu soo eedeeyay in ay ka tirsan-yihiin ururka Al-shabaab ayaa dil lagu fuliyay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ,iyadoo afartan qof loo haystay eedaymo ah in ay ka danbeeyeen qaraxyo sanadkii hore ka dhacay magaalada Baydhabo.

Waxaa sidoo kale jiray dhowr askari oo iyagana ay maxkamadi dil ku fulisay ,waxaana laga xusi karaa laba askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda Somalia ,kuwaasi oo labo qof oo rayid ah ku kala dilay magaalooyinka Afgooye iyo Xudur, waxaana si lamid ah xukun lagu fuliyay askari isna qof shacab ah ku dilay  degmada Buurhakaba.

War murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen guddiga Midowga Yurub ee Somalia ayaa lagu dhaliilay dilalka ay maxkamad-du fulisay ,kuwaasi oo dhamaantood dhacay waqtiyo aan kala fogayn oo bishan aynu ku jirno ah.

“Inkastoo Midowga Yurub uu si adag canbaaraynayo fal kasta oo argagaxiso ,haddana Midowga Yurub waxa uu ka soo hor-jeedaa dilalka toogasho “ ayaa lagu yiri warkan ka soo baxay guddigan oo la asaasay sanadkii 1993-dii.

“Midowga Yurub waxa uu u arkaa dilka toogasho mid ka dhan ah bini’aadanimada ,isla markaana aan xal u ahayn falalka danbiyada ah ee dhaca ,waana mid ka soo horjeeda sumcad-da iyo jiritaanka bini’aadanimada” ayaa mar kale lagu yiri warkan.

Waxaa Midowga uu ka dalbaday maamulka Koonfur galbeed iyo waliba dowladda Somalia in la joojiyo gabi-ahaanba xukunka qisaasta ,iyada oo la tirxraacyo xeerka lambarkiisu yahay 71/187 ,waxaana baaqa Midowga Yurub horey u taageertay dowladda Somalia.

“Midowga Yurub waxaa ka go’an sii xoojinta nidaamka cadaaladda ee Somalia iyo in sharcigu uu u shaqeeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed “ ayaa kamid ah baaqa ka soo baxay Midowga Yurub oo taageeray in ay eedanayaasha la horgeeyo maxkamado madani ah..

Ugu danbayn, Midowga Yurub ayaa sheegay in uu ku taageerayo dowladda Somalia iyo waliba maamulada dalka ka jira sidii looga maarmi lahaa qisaasta ,iyada oo la raadinayo nidaam sharciyadeed oo kale ,kaasi oo badal u noqon kara kan hadda la isticmaalo.  

Faysal M. Hassan
[email protected]














Click here

4/27/2017 2:34 PM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) - Guddoomiyaha shirkada Xawaalada ee Amaana Express Cabdirisaaq Xuseen Maalin ( Tawane) ayaa shaaca ka qaaday in shirkada Xawaalada Amaana ay u gudbeeyso nidaamka Bankiga.

4/27/2017 1:43 PM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Kooxaha Manchester City iyo Manchester United, ayaa caawa wada ciyaari doona kulan ka tirsan horyaalka Premier League dalka Ingiriiska.

4/27/2017 9:20 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Ciidamo ajnabi ah oo la socdeen kuwa maamulka Jubbaland ayaa maanta qarax lala eegtay dulleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

4/27/2017 8:48 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) – Guddiga Galmudug u matalayay wadahadalada ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu bur buray wada hadaladii ay la lahaayeen Ahlu Sunna ee ka socday magaalada Muqdisho.

4/27/2017 7:50 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) –La taliyaha amniga Qaranka DF Soomaaliya Xusseen Macalin ayaa kulan uu la qaatay wakiilada beesha caalamka faah faahin dheeraad ah ka siiyay qorshaha amniga Qaran ee lagu wajahayo dhismaha ciidamada.

4/27/2017 5:39 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) – Roobab lagu diirsaday ayaa ka da'ay degaano ka mid ah Gobolka Sool iyo Cayn, kuwaas oo ku soo beegmay xili abaartii ugu xumayd ee degaanadaasi soo marta ay galaafatay dad iyo Duunyaba.

4/27/2017 5:11 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Dowladda Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Tababar magaalada Muqdisho Ugu soo xiray saraakiil sar sare oo Boliis ah oo ka shaqeyn doonaa dhisida iyo tababarida Ciidan Boliis ah oo ay yeelato Hirshabeelle.

4/27/2017 4:44 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) – Madaxda dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiisyo iskaashi ah, iyadoo wada hadalo labo geesood ah uu dhex maray Wafdiga Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Erdogan oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golihisa wasiirada.

4/27/2017 4:27 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Koox hubeysan ayaa saaka xaafadda Maana-Booliyo ee degmadda Shibis ku dilay sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Nabad Sugida dowladda Soomaaliya.

4/27/2017 4:08 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Koox hubeysan ayaa maanta Xaafadda Xaawa-taako ee degmadda Wadajir ee Gobalka Banaadir dil iyo dhaawac ugu geystay laba wiil oo la sheegay in ay wada dhasheen.

4/27/2017 1:21 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa dib u qabsaday Degaanka Janaay Cabadalla oo qiyaas ahaan 60Km u jira Xaruunta Gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo.

4/27/2017 1:07 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay kulan la qaatay Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada Difaaca iyo Ammaanka ee Golaha Shacabka.