3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2017
Qarax khasaare dhimasho sababay oo ciidamo lagula eegtay dulleedka magaalada Kismaayo

 Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Ciidamo ajnabi ah oo la socdeen kuwa maamulka Jubbaland ayaa maanta qarax lala eegtay dulleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Weerarka qaraxa oo loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay, ayaa sababay dhimashada tiro ka mid ah ciidamada Jubbaland, halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

Xasan Ciraaqi oo ka mid ka mid ah saraakiisha cidiamada maamulka Jubbadaland ayaa VOA u sheegay in ciidamada la weeraray ay ka soo laabteen howlgal ay ku guda jireen oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Inkastoo aan dhab ahaan loo ogeyn tirada ciidamada ajnabiga ah ee la socday kuwa Jubbaland, ayaa hadana dhinaca kale waxaa ay wararku sheegayaan in ciidamada isbaheysanaya ka soo laabteen howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

Wixii faah faahin ah ee ka soo kordha warka ku saabsan qaraxa waan idin soo gudbin doonnaa.. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here

4/27/2017 2:34 PM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) - Guddoomiyaha shirkada Xawaalada ee Amaana Express Cabdirisaaq Xuseen Maalin ( Tawane) ayaa shaaca ka qaaday in shirkada Xawaalada Amaana ay u gudbeeyso nidaamka Bankiga.

4/27/2017 1:43 PM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Kooxaha Manchester City iyo Manchester United, ayaa caawa wada ciyaari doona kulan ka tirsan horyaalka Premier League dalka Ingiriiska.

4/27/2017 12:11 PM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) –Midowga Yurub oo Taageera barnaamijyada horumarinta Somalia ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka ay maxkamadda ciidanka qalabka sida ku fulisay dhowr dil oo is xig-xigay ,xilli ay jiraan maxaabiis fara badan oo dil sugayaal ah.

4/27/2017 8:48 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) – Guddiga Galmudug u matalayay wadahadalada ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu bur buray wada hadaladii ay la lahaayeen Ahlu Sunna ee ka socday magaalada Muqdisho.

4/27/2017 7:50 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) –La taliyaha amniga Qaranka DF Soomaaliya Xusseen Macalin ayaa kulan uu la qaatay wakiilada beesha caalamka faah faahin dheeraad ah ka siiyay qorshaha amniga Qaran ee lagu wajahayo dhismaha ciidamada.

4/27/2017 5:39 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) – Roobab lagu diirsaday ayaa ka da'ay degaano ka mid ah Gobolka Sool iyo Cayn, kuwaas oo ku soo beegmay xili abaartii ugu xumayd ee degaanadaasi soo marta ay galaafatay dad iyo Duunyaba.

4/27/2017 5:11 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Dowladda Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Tababar magaalada Muqdisho Ugu soo xiray saraakiil sar sare oo Boliis ah oo ka shaqeyn doonaa dhisida iyo tababarida Ciidan Boliis ah oo ay yeelato Hirshabeelle.

4/27/2017 4:44 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) – Madaxda dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiisyo iskaashi ah, iyadoo wada hadalo labo geesood ah uu dhex maray Wafdiga Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Erdogan oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golihisa wasiirada.

4/27/2017 4:27 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Koox hubeysan ayaa saaka xaafadda Maana-Booliyo ee degmadda Shibis ku dilay sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Nabad Sugida dowladda Soomaaliya.

4/27/2017 4:08 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Koox hubeysan ayaa maanta Xaafadda Xaawa-taako ee degmadda Wadajir ee Gobalka Banaadir dil iyo dhaawac ugu geystay laba wiil oo la sheegay in ay wada dhasheen.

4/27/2017 1:21 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa dib u qabsaday Degaanka Janaay Cabadalla oo qiyaas ahaan 60Km u jira Xaruunta Gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo.

4/27/2017 1:07 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay kulan la qaatay Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada Difaaca iyo Ammaanka ee Golaha Shacabka.