4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2017
Galmudug oo sheegtay in uu burburay wada hadalladii ay la lahaayeen Ahlu Sunna

Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) – Guddiga Galmudug u matalayay wadahadalada ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu bur buray wada hadalladii ay la lahaayeen Ahlu Sunna ee ka socday magaalada Muqdisho.

Guddiga maamulka Galmudug u qaabilsanaa wada hadallada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gebi ahaanba uu bur buray wada hadalkii ay la lahaayeen Ahlu Sunna, islamarkaana ay sii wadanayaan wixii hada ka dambeeya howshooda doorashada.

Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta Cusmaan Maxamed Cali guddoomiye u ahaa gudiga Galmudug u qaabilsanaa wada hadallada ayaa arintan sheegay.

“Wada hadaladii waa istaageen, dhowr kulan oo aan galnay anaga iyo dowladda meel fiican isla gaarnay, waa nala soo dhoweysay, balse Ahlu Sunna ayeey wax ka socon waayeen”ayuu yiri guddoomiyaha guddiga wada hadalka.

Waxaa uu sheegay in ra’iisul wasaaraha uu dhowr jeer isku dayay dadaalo looga mira dhalinayo wada hadallada, laakiin ay ka dhega adeygeen sida uu hadalka u dhigay Ahlu Sunna.

Waxaa uu intaa ku darray  in dowladda ay ku wargelisay in Ahlu Sunna dhinaceeda wax ka socon la’yihiin, sidaas darteed maamulkooda ay ku dhaqaaqayaan howshooda ah doorashada Madaxweynaha oo dhici doonta 30-ka bishan.

Ahlu Sunna ayaa la soo shir tagtay qodobo dhowr ah iyo sharuudo dhinaca Galmudug ay ka biyo diideen, waxaana ka mid ahaa la baabi’iyo magaca Galmudug oo la qaabto magaca maamulka gobollada dhexe, iyo baarlamaanka maamulka Galmudug ku yeeshaan xubnaha ugu badan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]