4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2017
Roobab ka curtay degaano kala duwan ee gobolka Sool iyo Buuhoodle

 

Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) – Roobab lagu diirsaday ayaa ka da'ay degaano ka mid ah Gobolka Sool iyo Cayn, kuwaas oo ku soo beegmay xili abaartii ugu xumayd ee degaanadaasi soo marta ay galaafatay dad iyo Duunyaba.

Roobabkan ayaa ka da'ay koonfurta degmada Laascaanood iyadoo ay heleen Dhumay, Xidhxidh iyo degaano kale oo xaalad darani ay ka taagnayd.

"Magaalada Kalabaydh waxaa helay shuux dadka qaboojiyey waxaase roobku ku sii xoogaystey degaanada ku sii toosan ee galbeed kaga quman, lamana odhan karo roob ayaa da'ay laakiin waxaa Farxad ah in biyo cirka ka yimaadaa dhulka Soo gaadheen" sidaana waxaa HOL u sheegay Maxamuud Jaamac oo degaankaasi ku sugan.

Sidoo kale waxaa hogol fiicani heshay tuulada Bali-hadhac oo ka tirsan Widhwidh taas oo sida uu noo sheegay Sekeriye Maxamed Ciise oo ah suxufi ku sugan Widhwidh.

"Hada waxaan Joogaa bali la yidhaa Balli-Gorfe oo u dhow Sool-Joogto oo ka tirsan Buuhoodle waqooyina kaga quman, baligu waa buuxaa ilaa shan booyadood ayaa ka dhaansanaya geelal badanina waa ka cabayaan" ayuu yidhi Khadar Cawl oo ah suxuf tegey halka roobku ka da'ay isagoo Hiiraan Online u waramayey.

Khadar waxa uu sheegay in shalay magaalada Buuhoodle shalay laga cabayey biyo adag oo foostadii la siinayey laga gaadhaysa 120 kun halka maanta la siinay konton kun oo keliya.

Degaano dhawra ayaa roobku ka curtay oo duleedada Buuhoodle ah oo ka mid yihiin Dhilaalo iyo degaano waqooyi galbeed kaga quman, waxaana dhamaan dulkaasi ahaayeen dhulka uu ka taagnaa haraadka ugu badan iyadoo ay oomane yihiin.

Degmooyinka sida aadka ah u liita ee xaalufka iyo byo la'aanta darani ka jirtey oo ay ka mid yihiin Xuddun, Taleex iyo waqooyiga iyo barriga Laascaanood waa ooman yihiin laakiin kamay quusan naxariista eebe ee cirka ayay ka wacaal dhawrayaan oo aad moodo in uu cokan yahay daruuro biyaysana ay ka muuqdaan.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G, Sool