4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2017
Saraakiil Hirshabeelle ka tirsan oo tababar loogu soo xiray Muqdishu

 
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Dowladda Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Tababar magaalada Muqdisho Ugu soo xiray saraakiil sar sare oo Boliis ah oo ka shaqeyn doonaa dhisida iyo tababarida Ciidan Boliis ah oo ay yeelato Hirshabeelle.

Saraakiishani iyo qubaro dhinaca boliiska ah ayaa ka faa'ideystay tababarkasi oo soconayay sedexdii cisho ee la soo dhaafay, waxaana ka qey qaatay tababarkaasi oo hirgalintiisa lahaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo AMISOM.

Dowladda Hirshabeelle ayaa qorsheyneysa dhisida Ciidan awood u yeesha hanashada Amniga deegaanada Hirshabeelle, waxaana la diyaarinayaa dhowaan ama bilaabaneysa qorista iyo tababarida Ciidamadaasi oo ka shaqeyn doona u qidmeynta Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Hirshabeelle.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Dowladda Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo tababarkaasi soo xiray ayaa u mahadceliyay AMISOM, iyo Xafiiska Qarmada Midoobay ee Soomaaliyay sida ay u fuliyeen tababarkani oo ah mid dhaxal gal ah oo ay ka faa'ideysteen guddigan ka shaqeyn doona hirgalinta iyo dhisida Ciidan Boliis ah oo ay yeelato Dowladda Hirshabeelle.

Wasiirka oo sii hadlay ayaa sheegay in ay kaa go'antahay xaqiijinta ammaanka deegaanada Hirshabeelle si taasi loo helo ayuu xusay in la dhiso ciidamo awood u yeesha sugida amniga iyo isdhex galka bulshada iyo ciidamada, waxaana uu xusay in fursadahaasi ciidan qorid inay kaa faa'ideysan doonaan dhalinyaro badan oo reer hirshabeelle ah oo hadda baaga muudo ku ah deeganada Hirshabeelle, waxaana uu kula dar daarmay saraakiishaasi tababarka uu u soo xiray in ay ka soo dhalaalaan howsha culus ee loo igmaday.

Dhowaan ayaa la filayaa in Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble uu tababar u furo Dufcadii ugu horeysay oo Ciidamo boliis ah oo uu yeesho maamulka, waxaana Hirshabeelle Mudnaanta Koowaad u ah Xaqiijinta Ammaanka iyo Isku furida Wadooyinka Hirshabellle iyo baacsashada Kooxaha isku biirsaday leynta iyo dabar goynta Umadda Soomaaliyeed Ee Al Shabaab.

Mustaf Hussein
Hiiraan Online