3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2017
Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday hishiisyo dhowr ah oo la xiriira arimaha hormarinta iyo dhaqanka


Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) – Madaxda dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiisyo iskaashi ah, iyadoo wada hadalo labo geesood ah uu dhex maray Wafdiga Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Erdogan oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golihisa wasiirada.

Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo labada dal dhex maraya, kaasoo kala ah dhanka horumarinta, dhaqaalaha iyo dhaqanka.

Shir jaraa’id  oo wada jir ay u qabteen labada madaxweyne Soomaaliya iyo Turkiga ayeey uga hadleen arrimo badan oo quseeya xiriirka labada dal oo meel aad u wanaagsan maraya.

Madaxweyne Erdogan ayaa boggaadiyay dowladda cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu sheegay in Turkiga sii laba jibaareyso taageerada tooska ah ee uu siiyo dowladda Soomaaliya.

Erdogan ayaa ku dhaleeceeyay Beesha Caalamka, in aysan ahmiyad weyn siinin kaalmeynta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka abaaraha oo aanay ka dhabeyn balan-qaadyo ay horay u sameeyeen.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahad celiyay shacabka iyo dowladda Turkiga, waxaana uu tilmaamay in mar walba ay taageero la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, isla markaana horay gacan uga geysteen arrimo badan oo horumarinta iyo dib u dhiska dalka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku casuumay Madaxweyne Erdogan inuu booqasho ku yimaado Soomaaliya, sida ugu dhow, sida ay shaacisay Wakaalada wararka ee Anadol.

Madaxweynayaasha labada dowladood ayaa ku heshiiyay dhammaan qodobadii ay isla soo qaadeen oo ay kamid ahaayeen amniga, dhaqaalaha, horumarinta, maalgelinta waxbarshada, is weydaarsiga hiddaha iyo dhaqanka iyo shirka Soomaaliya ee London oo ay dowladda Turkiya kasoo qeybgali doonto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here

4/27/2017 2:34 PM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) - Guddoomiyaha shirkada Xawaalada ee Amaana Express Cabdirisaaq Xuseen Maalin ( Tawane) ayaa shaaca ka qaaday in shirkada Xawaalada Amaana ay u gudbeeyso nidaamka Bankiga.

4/27/2017 1:43 PM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Kooxaha Manchester City iyo Manchester United, ayaa caawa wada ciyaari doona kulan ka tirsan horyaalka Premier League dalka Ingiriiska.

4/27/2017 12:11 PM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) –Midowga Yurub oo Taageera barnaamijyada horumarinta Somalia ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka ay maxkamadda ciidanka qalabka sida ku fulisay dhowr dil oo is xig-xigay ,xilli ay jiraan maxaabiis fara badan oo dil sugayaal ah.

4/27/2017 9:20 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Ciidamo ajnabi ah oo la socdeen kuwa maamulka Jubbaland ayaa maanta qarax lala eegtay dulleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

4/27/2017 8:48 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) – Guddiga Galmudug u matalayay wadahadalada ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu bur buray wada hadaladii ay la lahaayeen Ahlu Sunna ee ka socday magaalada Muqdisho.

4/27/2017 7:50 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) –La taliyaha amniga Qaranka DF Soomaaliya Xusseen Macalin ayaa kulan uu la qaatay wakiilada beesha caalamka faah faahin dheeraad ah ka siiyay qorshaha amniga Qaran ee lagu wajahayo dhismaha ciidamada.

4/27/2017 5:39 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) – Roobab lagu diirsaday ayaa ka da'ay degaano ka mid ah Gobolka Sool iyo Cayn, kuwaas oo ku soo beegmay xili abaartii ugu xumayd ee degaanadaasi soo marta ay galaafatay dad iyo Duunyaba.

4/27/2017 5:11 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Dowladda Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Tababar magaalada Muqdisho Ugu soo xiray saraakiil sar sare oo Boliis ah oo ka shaqeyn doonaa dhisida iyo tababarida Ciidan Boliis ah oo ay yeelato Hirshabeelle.

4/27/2017 4:27 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Koox hubeysan ayaa saaka xaafadda Maana-Booliyo ee degmadda Shibis ku dilay sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Nabad Sugida dowladda Soomaaliya.

4/27/2017 4:08 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Koox hubeysan ayaa maanta Xaafadda Xaawa-taako ee degmadda Wadajir ee Gobalka Banaadir dil iyo dhaawac ugu geystay laba wiil oo la sheegay in ay wada dhasheen.

4/27/2017 1:21 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa dib u qabsaday Degaanka Janaay Cabadalla oo qiyaas ahaan 60Km u jira Xaruunta Gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo.

4/27/2017 1:07 AM EST
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay kulan la qaatay Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada Difaaca iyo Ammaanka ee Golaha Shacabka.