4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2017
Sarkaal ka tirsanaa Nabad sugida oo lagu dilay Muqdishu

 
Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Koox hubeysan ayaa saaka xaafadda Maana-Booliyo ee degmadda Shibis ku dilay sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Nabad Sugida dowladda Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Xaaji Cali, sida dadka deegaanka ay noo sheegeen.

Kooxdii dilka geysatay oo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa ka baxsaday goobta dilka uu ka dhacay, ka hor inta ciidanka dowladda aysan soo gaarin.

Marxuumka la dilay ayaa waxa uu wadan jiray Ciidan ilaalo ah balse waxaa la sheegay in maanta uu kasoo tagay ilaaladiisa, sida ilo wareedyo ay sheegayaan

Ma jirto koox sheegatay dilka sarkaalkaasi ka tirsanaa Nabad sugida dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Koox hubeysan ayaa maanta Xaafadda Xaawa-taako ee degmadda Wadajir ee Gobalka Banaadir dil iyo dhaawac ugu geystay laba wiil oo la sheegay in ay wada dhasheen

Labada wiil ee la weeraray ayaa lagu kala magacaabaa Saney Maxamed Wehliye iyo Mustaf Maxamed Wehliye, sida laamaha ammaanka ee degmadda Wadajir ay sheegeen.

Mid ka mid ah labada wiil ayaa geeryooday halka midka kalana dhaawac uu gaaray, sida goob-joogayaal ay sheegeen.

Labada weerar ee maanta ka dhacay magaalladda Muqdishu ayaa ku soo aadaya xili gelinkii dambe ee shalay shan ruux oo rayid ah ay ku dhinteen iska horimaad ku dhaxmaray ciidamo ka wada dowladda federaalka suuqa Khaadka ee degmada Hodan.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia