4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2017
Al Shabaab oo dib u la wareegay degaanka Janaay Cabdalla

 


Khamiis, April, 27, 2017 (HOL) -Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa dib u qabsaday Degaanka Janaay Cabadalla oo qiyaas ahaan 60Km u jira Xaruunta Gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa Al shabaab ka saaray degaanka, balse waxaa la sheegay in mar dambe ay isaga bexeen ciidanka, waxaana dib degaanka u galay Al Shabaab.

Dadka degaanka ayaa sheegay in gacan ku heynta degaanka ay isku bed-bedeleen laba maamul wax ka yar saddex saacadood.

Dhinaca kale, waxaa la sheegay in duleedka deegaanka laga maqlay Qarax aan la ogaan khasaaraha ka dhashay.

Wararka saaka aan ka heleyno Janaay Cabdalla ayaa sheegaya in xaaladda ay degantahay, waxana dib usoo noqday dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee degaanka.

Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ayaa shalay duqeeyay Degaanka War-gaduud ee Gobolka Gedo.

Diyaaradaha ayaa la sheegay in duqeynta ay ku garaaceen dhowr meelood oo deegaanka ka tirsan, sida goob-joogayaal ay sheegeen.

Degaanka War-gaduud ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa gacanta ku haya xarakadda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM.

Masuuliyiinta maamulka Jubaland wali kama aysan hadlin khasaaraha ka dhashay duqeynta ka dhacday Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia