3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 26, 2017
Baydhabo : Xasaaska Al-shabaab oo lagu wargaliyay in ay is diiwangliyaan

 

Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) – Taliska ciidamada booliiska maamulka K/galbeed ayaa markii ugu horeysay ugu baaqay xasaaska saraakiisha iyo dagaalamayaasha ka tirsan Al-shabaab in ay isa soo diiwaan-galiyaan.

Taliyaha ciidamada booliiska maamulka K/galbeed Mahad C/raxmaan Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lagu wargaliyay xasaaska Al-shabaab in ay is diiwaangaliyaan arintaa oo sida uu hadalka u dhigay qeyb ka ah sugida amniga.

‘’Baydbabo lama maamul kama jiraan, waxaa maamula maamulka K/galbeed, horay ayaa ugu sheegnay xasaaska Al-shabaab ee Baydhabo ku sugan in ay isa soo diiwaangaliyaan, tiro yar ayaa inoo timid intoodii badneyd wali magaalada ayeey ku dhuumaaleysanayaan’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada booliiska maamulka K/galbeed Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo fariin noocan ah loo diro xasaaska saraakiisha iyo dagaalyahannada Al-shabaab ee ku sugan deegaannada maamulka K/galbeed uu ka arimiyo.

Dhawaan ayeey maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ku toogatay magaalada Baydhabo afar dhalinyaro ah ku eedeysnaa in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/26/2017 3:05 PM EST
Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa gallinkii danbe ee maanta kula kulmay Qasriga madaxtooyada dalkaas ee magaalada Ankara dhigiisa Recep Tayyib Erdogan

4/26/2017 1:48 PM EST
Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) - Nin duq magaalo ka ah Faransiiska ayaa lagu ganaaxay 2,000 oo Yuuroo, in uu sheegay hadal nacayb ku salaysan awgeed, ka dib markii uu sheegay in carruurta Muslimiintu ay ku badan yihiin iskuulada deegaankiisa.

4/26/2017 1:43 PM EST
Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) - Inta la xaqiijinayo ilaa shan ruux oo rayid ah ayaa ku dhintey iska horimaad galinkii danbe ee maanta ku dhaxmaray ciidamo ka wada dowladda federaalka suuqa Khaadka ee degmada Hodan.


4/26/2017 11:46 AM EST
Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa wareegto ku magacaabay maareeyaha hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada oo noqonaya Yuusuf Cabdu C/dulle ( Yuusuf Jaalle)

4/26/2017 11:03 AM EST
Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) - Dibadaxyadan oo ay ka qeybgalleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa xoogooda ka dhacay magaalooyinka Jowhar iyo Balacad oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha dhexe, halka magaalada Beledweyne maamulka gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiinta ka tirsan Hirshabeelle dadka meel fagaaro ah kula hadleen.

4/26/2017 9:41 AM EST
Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) -Wararka laga helayo Deegaanka War-gaduud ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka dowladda Kenya ay halkaasi duqeeyeen maanta.

4/26/2017 9:04 AM EST
Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) – Madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa xariga ka jaray garoonka kubadda cagta magaalada Kismaayo oo ay soo idlaadeen howlo dib u dayactir ah oo lagu sameeynayay mudooyinkii u danbeeyay.

4/26/2017 5:30 AM EST
Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) -Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carrabta ayaa Markab wada gar-gaar bani’aadanimo usoo dirtay dekadda Berbera ee ku talla Gobolka Saaxil ee hoostaga maamulka Somaliland.

4/26/2017 5:05 AM EST
Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) - Dowladda Chine ayaa lacag dhan $10 milyan oo dollar oo loogu tala galay dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku sugan Soomaaliya waxaa ay ku wareejisay hay’adda cuntada adduunka ee WFP.

4/26/2017 4:38 AM EST
Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) -La taliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xusseen Macalin Maxamuu sheegay in fasiraad aan sax aheyn ama qaldan laga bixiyay sida uu hadalka u dhigay qorshaha dowladda ee dhismaha ciidamada Qaranka.

4/26/2017 4:11 AM EST
Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) -Dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo ciidanka dowladda Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa ka dhacay deegaanka Burdaar oo dhaca duleedka magaalladda Baledweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

4/26/2017 3:33 AM EST
Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) -Guddiga doorashada maamul-gobolleedka Galmudug ayaa uga yeeray degmadda Cadaado iney ku yimaadaan 24 saac dhammaan musharraxiintii iska diiwaangelisay xilka madaxweyne ee Galmudug.

4/26/2017 2:09 AM EST
Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) -Ilaa 500 oo qof ayaa u dhintay cudurrada daacuunka ee ka dhashay abaaraha ka jira Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

4/26/2017 1:25 AM EST
Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) -Taliyaha ciidamada madaxtooyada maamulka Puntland C/rashiid C/raxmaan Ismaaciil, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Puntland ee magaalladda Boosaaso ay gacanta ku dhigeen Walxaha Qarxa.