4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 26, 2017
Dowladda Chine oo wax ka qabashada abaarta Soomaaliya ku deeqday lacag $ 10 milyan oo doolar

 

Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) - Dowladda Chine ayaa lacag dhan $10 milyan oo dollar oo loogu tala galay dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku sugan Soomaaliya waxaa ay ku wareejisay hay’adda cuntada adduunka ee WFP.

Lacagtan ayaa sheegtay dowladda Chine in lagu iibin doono cunto iyo sidoo kale dawooyin ay u baahan yihiin dadka abaarta saameysay..

Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo hortagga musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa uga gmahad celisay dowladda Chine oo lacagtaan ku wareejisay hay’adda WFP.

Maryan Qaasim Axmed ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda Gargaarka iyo hortagga Musiibooyinka ay waddo qorshe lagu caawinaayo dadka dhibaateysan.

Dhanaca kale Safiirka dowladda Chine u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in ay laba jibaari doonaan gurmadka ay siinayaan dadka Soomaaliyeed.

Guud ahaan marka la eego  ururada caalamiga ah ee wadamada saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya waxaa soconaya dadaallo ay ku caawinayaan dadka tabaaleysan oo ay saameynta adag ku yeelatay abaarta ku dhufatay guud ahaanba dalka, iyadoo maalaha qaar durbaba la bilaabay in gargaar dadka la gaarsiiyo 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]