4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 26, 2017
Al Shabaab iyo ciidamada Ethiopia oo ku dagaalamay Gobolka Hiiraan

 
Arbaco, April, 26, 2017 (HOL) -Dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo ciidanka dowladda Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa ka dhacay deegaanka Burdaar oo dhaca duleedka magaalladda Baledweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Dagaalka ayaa bilowday kadib, markii dagaalyahanada Al Shabaab weerar gaadma ah ay ku qaadeen kolonyo ay la socdeen ciidanka Ethiopia oo kasoo tagay Magaalladda Baladweyne.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, hasse ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegaya in la maqlayay rasaas culus iyo madaafiic labada dhinac ay isku adeegsadeen.

Maamulka gobolka Hiiraan wali kama aysan hadlin dagaalka deeganka Burdaar iyo guud ahaanba khasaaraha ka dhashay.

Degeenka uu dagaalka ka dhacay ayaa qiyaastii 40Km dhinaca galbeed kaga beegan magaalladda Baladweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan.

Xaaladda deegaanka Burdaar, ayaa hadda degan waxaa si caadi ah kusoo noqday isu socodka dadka. 

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia