4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2017
Xubno ka tirsan urur Diimeedka Saadicuun Bilxaq oo Garowe ka sheegay in Bulshada aysan u arkin Gaalo



Sawirka : Jamaal Xasan Aw-Muuse


Talaado, April, 25, 2017 (HOL) – Maamulka Gobolka Nugaal ayaa magaalada Garowe ku soo bandhigay rag ka tirsnaa ururka Saadicuun Bil-xaq ,kuwaasi oo lagu soo qab-qabtay howl-gallo ay ciidamada Puntland ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Nugaal.

Xubnaha la soo bandhigay waxaa ku jiray Jamaal Xasan Aw-Muuse iyo Cabdiraxamaan Cabdirisaaq Kulan oo labaduba kamid ahaa ururkan oo dhawaan si rasmi ugu dhawaaqay in ay ku soo biireen jamaacooyinka islamaaka ah ee dunida ka jira.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Farawayne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in rag-ga la soo bandhiga ay gabi-ahaanba wax xiriir ah aysan la lahayn ururka Takfiirka ,isla markaana aysan hubaysnayn.

Waxa uu sheegay in rag-gan iyo dowladda ay kala saxiixdeen heshiis ka kooban dhowr qodob oo kala ahaa sidatan.

1:-In aysan kamid ahayn ururka Diimeedka Takfiirka ,wax lug ahna aysan ku lahayn ayna u arkaan Fakir khaldan.

2:-In aysan wax hub ah qaadan karin ,isla markaana aysan samayn karin wax tababar ciidan ah.

3:-In aysan siyaasad ku jirin , isla markaana aysan-ba gali karin-ba.

4:-In ay nabad-galyada iyo xasiloonida Puntland ka jirta dhibaato ku ahayn ,kuna biiri karin cid kasoo horjeed-da.

5:-In shacabka iyo dowladda ay ka aaminsan-yihiin dad muslim ah .

“Annagu ma nihin dad meel kale ka yimid ,dad bulshadooda ku dhex-noolaa oo waligood ku dhex-jiray beynu nahay ,hadana dareemay fursad ay isku muujin karaan, mana rumaysnin in annaga kaliya aan nahay muslimiin ,waxaan aaminsan-ahay in taasi ay ku xiran-tahay hadba qofka sida uu ilaahey ugu dhawaaado “ ayuu yiri Jamaal oo kamid ahaa rag-gii maanta la soo bandhigay.

Ugu danbayn,Ururkan oo fadhigiisu yahay dalka Masar ayaa horey uga tirsanaan jiray ururka Ikhwaanul muslimiinka dalkaas ,waxaana culumada Somaliyeed ay dhawaan ku baaqeen in laga digtoonaado fikirka ay faafinayso kooxdan oo dhawaan sii daayay bayaankoodii ugu horeeyay.  

Faysal M. Hassan  
[email protected]