Guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo horjeestay qorshaha dhismaha ciidamada
Talaado, April, 25, 2017 (HOL) – Guddiga difaaca ee baarlamanka Soomaaliya
ayaa kasoo horjeestay qorshaha dhismaha ciidamada Qaran ee Soomaaliya ee
dhowaan ay isku raaceen dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.
Guddiga ayaa qoraal ay maanta soo saareen oo ay u gudbiyeen guddoonka
baarlamanka ku sheegay in kadib markii ay darseen go’aanadii ay dowladda
federaalka iyo dowlad goboleedyada ku gaareen shirkii Muqdisho ka dhacay 15
illaa 16-kii April ay usoo baxday in qaabka ciidanka loo dhisayo uu yahay, sida
ay hadalka u dhigeen, mid lagu wiiqayo awooddii ciidanka xoogga dalka,
islamarkaana si ula kac ah awoodihii dawladda dhexe loo weecinayo dawlad
goboleedyada dalka ka jira, sida ay yiraahdeen.
“Tani waxay keeni karta in meesha laga saaro ciidamadii qaranka ee dawladda
dhexe maamulkeeda dastuurka dalku siinayay” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa kale oo ay sheegeen in qorshaha dib u qaabaynta cusub ee ciidanka
xoogga dalka Soomaaliyeed uu ka mid yahay ajendayaasha shirweynaha Soomaaliya
ee London ka dhacaya 11 May 2017, waxayna ka digeen in haddii sida loo qoray
qorshahan loo qaato ay halis ku noqon karto helista ciidan summad qaran leh oo
midaysan, ayna adkaan doonto in dib loo dhiso.
Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu qaybinayo
awoodda iyo talada ciidamada qaranka, ciidamada qarankana loo ekeysiinayo
ciidamo qabiil oo xuduudaha dawlad goboleedyadooda waajibkoodu ku eg yahay,
sida ay hadalka u dhigeen.
Dhinaca kale guddiga ayaa ku dooday in qodobka 54-aad ee dastuurka ee
qeexaya kala qeybinta awoodaha, gaar ahaan xarafkiisa (B) uu caddaynayo in
difaaca qaranku uu ka mid yahay awoodaha iyo mas’uuliyadaha dawladda federaalka
ah oo aysan ka mid aheyn waxyaalaha ay ka wada xaajoonayaan dawladda Federaalka
ah iyo dawlad goboleedyada.
Guddiga ayaa sheegay in qorshaha dowladda federaalka iyo dowlad gobleedyada
ay isku raaceen ee loogu magac-daray “Qaabaynta Amniga Qaranka” gaar ahaan
qeybta la xiriirta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu khilaafsan yahay
dastuurka.
Waxa ay sidoo kale ku doodeen in In qorshaha qaabaynta amniga qaranku uu u
muuqdo mid meelo kale laga soo minguuriyey, sida ay hadalka u dhigeen.
Waxay soo jeediyeen In hanaanka dib-u-qaabaynta ciidamada qalabka sida ee
Soomaaliya ay hormuud ka noqoto wasaaradda gaashaandhigga iyo talisyada ciidan
ee hoos yimaada, loona madaxbaneeyo soo diyaarinta qorshaha dib u qaabaynta
ciidamada xoogga dalka, islamarkaana hogaamiyayaasha siyaasadda ee dowladda iyo
madaxda maamul goboleedyada ay faraha kala baxaan.
Xigasho VOA
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]