4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 25, 2017
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo u anbabaxay dalka Turkiga

 Talaado, April, 25, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowaladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw ka anbabaxay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyaga oo ku sii jeeda dalka Turkiga.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah xubno ka tirsan labad golle ee dowladda, waxaana garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil ciidan.

Madaxweyne Maxamed Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxaa uu kulamo la qaadan doonaa masuuliyiinta Turkiga oo uu ugu horeeyo madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ka wada hadli doona arrimaha abaaraha, amniga iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Safarkan Madaxweynaha uu ku aaday dalka Turkiga ayaa noqonaya midkiisii shanaad ee uu uga baxo dalka, tan iyo markii la doortay 8-dii Febraayo ee sanadkan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]