4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2017
Maxkamadda Ciidamada oo maanta toogatay askari Booliis ahaa

 

Talaado, April, 25, 2017 (HOL) -Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybteeda 60-aad, ayaa saaka mar kale toogatay askari ka tirsanaa ciidanka Booliska maamulka Koonfur-galbeed.

Askariga maanta Xukunka Dilka ah lagu fuliyay ayaa horay u dilay Nin Oday ah, waxaana uu dhaawacay Labo Wiil oo uu dhalay ninka la dilay.

Toogashada askariga ayaa ka dhacday Duleedka Magaalladda Baydhabo, waxaana ka qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan Maxkamadda.

Shalay oo isniin aheyd, taariikhdana ay ku beegneed 24 April, ayaa sidan oo kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 60-aad magaalladda Baydhabo ku toogatay Afar qof oo Maxkamadda sheegtay in ay ka tirsanaayeen Al Shabaab.

Afarta nin ee shalay la toogtay ayaa lagu eedeyay in ay ku lug lahaayeen Qaraxyo Dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Magaalladda Baydhabo Bishii February ee Sanadkii hore.

Dhinaca kale, 22-kii Bishan April, Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa dil toogasho ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada booliiska oo lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Maadeey.

Askariga toogashada lagu fuliyay ayaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay nin la oran jirey Maxamed Cali Cabdalla 05-01-2016-dii.

Sidoo kale 12-kii Bishan April, Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inuu ka xun yahay  dilkii toogashada ahaa ee  dhowaan Maxkamadda ciidamadda Puntland ay ku fulisay shan dhalinyaro  oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab, islamarkaana maxkamaddu sheegtay inay ku heshay inay ka dambeeyeen dilkii Saraakiil ka tirsanaa maamulka Puntland.

Qoraalka ka soo baxay midowga Yurub waxaa si weyn loogu cambaareeyay falalka argagixisada iyo cidka kasta oo taageerta, hase yeeshee  waxay tilmaameen  in xukunka dilka marnaba aheyn qaab ciqaabeed baajinaya falalka argagixisnimada ama fal-dambiyeedyada.

Midowga yurub waxay sheegeen inay ka go’antahay xoojinta nidaamka garsoorka Soomaaliya iyo horumarinka dhaqanka sharciga iyo cadaallada, iyagoo ballanqaaday inay ka caawin doonaan  sidii maamulada Soomaalida ay u  joojin lahaayeen isticmaalka ciqaabta dilka.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia