4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 24, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay ehelada marxuum uu gaari ku jiiray illinka madaxtooyada


Isniin, April, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay ehelada marxuum Tahliil Jimcaale Hubbane oo maalintii shalay ku jiiray ilinka hore ee madaxtooyada Soomaaliya mid ka mid ah gadiid galbinayay madaxweynaha.

Dhacdadan oo markii hore aysan warbaahintu si faah faahsan uga hadlin ayaa markii danbe la ogaaday kaddib markii la sheegay in qoyska marxuumka looga yeeray xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka madaxweynaha uu la yeeshay ehelada marxuumka geeriyooday ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaarada warfaafinta Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow iyo xubno ka tirsan howlwadeennada wasaarrada oo la sheegay in marxuumka dhintay uu ka tirsanaa.

“Marxuumka naxariistii janno Alle haka waraabiyo, qadar ayuu ku dhintay, dowladda Soomaaliya way ka garaabeysaa geerida marxuumka, ehelkana waan la qeybsanayaa tiiraanyada, sida uu shilku ku dhacay baaris ayaa ku socoto waxaana idiin ballanqaadayaa in xuquuqda marxuumka aysan dowladdu meel cidlo ah kaga dhaaqiqo doonin”ayuu yiri madaxweynaha.

Cabdi Jimcaale Hubane la dhashay marxuumka dhintay ayaa ayaa mahadcelin weyn u jeediyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, wuxuuna arrin ugub ku ah Soomaaliya ku tilmaamay sida loo ixtiraamay qoyskooda, dowladda Soomaaliyana uga garoowday shilka uu ku geeriyooday marxuub Tahliil Jimbaale Hubane.

Marka laga soo tago marxuumka dhintay warar soo baxaya ayaa sheegaya in shilkaas sidoo kale ay ku dhaawacantay qof dumar ah.

Inkastoo shilalka noocan oo kale ah ku badan yihiin magaalada Muqdisho hadana tallaabadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo ay qaado madaxtooyada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]