4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 24, 2017
Laanta Af-Soomaaliga ee BBCda oo maanta bilowday barnaamij maqal & muuqaal ah


Farxaan Maxamed Jimcaale(midig) iyo Cabdiraxmaan Bidhaan Daahir (bidix)


Isniin, April, 24 2017 (HOL) - Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa maanta oo Isniin ah bilaabi doonto banaamij cusub oo maqal iyo muqaal ah (telefishin) oo maalinle ah. Barnaamijkaas oo socon doona muddo 15 daqiiqo ah, ayaa waxaa la baahin doonaa Isniinta illaa iyo Jimcaha.

Barnaamijkaan ayaa laga sii deyndoonaa xaruunta laanta af-Soomaaliga ee BBCda ee magaalada London.

Tafaftiraha barnaamijkan Farxaan Maxamed Jimcaale oo wareysi siiyay HOL ayaa sheegay  sababiha keenay in waqtigaan ay BBCda qaybta af-Soomaaliga bilowdo barnaamijkan. “Waxaa la soo gaaray waqtigii loo baahnaa telefishin, waxayna baahadaas ka timid rabitaanka dadweynaha Soomaaliyeed" ayuu yiri Farxaan.

Barnaamijkan ayaa waxaa daadihin doona Farxaan Maxamed Jimcaale iyo Cabdiraxmaan Bidhaan Daahir, waxeyna soo tabin doonaan sida Farxaan HOL u sheegay barnaamijyada kala ah  wararka caalamka, ganacsiga, tiknoolajiyadda, cayaaraha iyo madadaalada.

“Annaga oo ka duuleyna sannad guurad 60aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay idaacadda BBCda qaybta af-Soomaaliga , ayaa waxay tahay waqtigii ugu haboonaa in la bilaabo barnaamij maqal iyo muuqaalba leh. Ujeedada barnmaajikan ayaa ah in aan gaarno qaybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan dhallinyarada” ayuu intaa ku daray Farxaan Jimcaale

Tartan ayaa waayahaan u dhaxeeyey  iddaacadaha BBC-da iyo VOA-da qeybahooda af-Soomaaliga, iyadoo ay dad badan aaminsan yihiin in tartankan ay ku horeyso idaacadda VOA-da. Barnaamijkaan cusub ayaa wuxuu jawaab u noqon karaa abaabulka ay BBCda ku dooneyso in ay dib ugu soo  ceshato dhageystayaal badan oo u wareegay idaacadda VOAda.

Solomon Mugera oo madax ka ah qabta BBC Afrika ayaa warbixin ku sheegay in BBCda ay ka jawaabeyso rabtiaanka dhageystayaasha Soomaaliyeed. “Sannado badan ayaan soo dhiseynay dhageystayaal si xoogan ugu xiran BBCda gaar ahaan qaybta maqalka ee Radiyaha. Warbaahinta guud oo mar waliba is-beddelaysa ayuu barnaamijka cusub u yahay jawaab” ayuu Solomon ku sheegay warbixin.

BBCda guud ahaan ayaa waxay dowladda Britain ka heshay dhaqaale gaarayaa £289m ($370M) ilaa sannadda 2019/20. Qaybe ka mid ah dhaqaalahaas ayaa waxaa lagu horumarindoonaa xirfadda wariyayaasha qaaradda Afrika.