3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 24, 2017
Xoogagga Al-shabaab oo ka baxay deegaanka Halgan iyo ciidamada Itoobiya oo ku sii jeeda

 Isniin, April, 24, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaa ay isaga baxeen xoogagga Al-shabaab kaddib markii ay u ruqaasadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo wehlinayaan kuwa dowladda Soomaaliya maanta oo Isniin ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ku wajahan yihiin deegaanka Halgan oo sanadkii hore ay la wareegeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in halkaa intooda badan isaga baxeen gadiidkii dagaalka Al-shabaab waloow wali ay jiraan tiro yar oo ka tirsan xoogagga ururka Al-shabaab wali ku sii harsan magaalada.

Dadka ayaa baqdin weyn ka qaba in Al-shabaab ku amraan in ay isaga baxaan degmada sida marar badan hore ay sameeyeen.

Bishii June ee sanadkii 2016ka deegaanka Halgan waxaa ka dhacay dagaal culus oo dhaxmaray ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab waxaa dagaalkaa ku dhintay tiro ka badan 200 u badnaa dagaalamayaasha Al-shabaab.

Deegaanka Halgan ayaa muhiim u ah isku xirka degmooyinka Beledweyne iyo Buula-burte waana magaalo ganacsi oo todobaadkiiba mar ay u ganacsi tagaan dad isaga kala yimid deegaannada kala duwan ee gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/24/2017 4:38 PM EST
Isniin, April, 24 2017 (HOL) -Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa magaalada Kismaayo tababar ugu soo xiray ducaddii 3-aad ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed qeybtooda Jubaland, kuwaa oo bilooyinkii u danbeeyay ay tababarro dhanka ciidanka ah uga socdeen dugsiga tababarka Booliska ee Kismaayo.

4/24/2017 4:15 PM EST
Isniin, April, 24, 2017 (HOL) -Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, ayaa maanta magacaabay Guddoomiye ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka

4/24/2017 2:57 PM EST
Isniin, April, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay ehelada marxuum Tahliil Jimcaale Hubbane oo maalintii shalay ku jiiray ilinka hore ee madaxtooyada Soomaaliya mid ka mid ah gadiid galbinayay madaxweynaha.

4/24/2017 1:42 PM EST
Isniin, April, 24 2017 (HOL) - Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa maanta oo Isniin ah bilaabi doonto banaamij cusub oo maqal iyo muqaal ah (telefishin) oo maalinle ah. Barnaamijkaas oo socon doona muddo 15 daqiiqo ah, ayaa waxaa la baahin doonaa Isniinta illaa iyo Jimcaha.

4/24/2017 6:06 AM EST
Isniin, April, 24 2017 (HOL)- Guddi hoosaadka shuruucda, garsoorka iyo arrimaha xuquuqal isnaanka golaha guurtida ayaa soo bandhigay goboladda dalka dilalkii iyo kufsigii ka dhacay.

4/24/2017 5:56 AM EST
Isniin, April, 24, 2017 (HOL) - Waxaa goor dhaw lagu dhawaaqay guddoomiye ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir uu yeelanayo iyo xog-hayaha cusub ee gobolka, iyadoo la bedelay afar ku-xigeen oo uu lahaa Gobolka iyo Xoghayihii Guud.

4/24/2017 5:34 AM EST
Isniin, April, 24, 2017 (HOL)-- Waqti abaaro baahsan oo saameeyay dadka duunyada ay ku dhufteen dhammaan gobollada dalka Soomaaliya ayuu gurmad baaxad leh gaarayaa dadka abaartu dhibaataysay.

4/24/2017 4:34 AM EST
Isniin, April, 24, 2017 (HOL) – Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60aad ayaa xukun dil ah ku fulisay subaxnimadii hore ee maanta oo Isniin ah afar dhalinyaro ah oo ku eedeysnaa in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.

4/24/2017 4:14 AM EST
Isniin, April, 24, 2017 (HOL) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in kooxaha burcad badeedka ay ku soo laabteen biyaha ka baxsan xeebaha Soomaaliya, hasse ahaatee Mareykanku waxaa uu sheegay in korarka burcad badeeda ee maraakiibta ganacsi wali noqon kuwo leh jiho loo raaco.

4/24/2017 3:26 AM EST
Isniin, April, 24, 2017 (HOL) -Kooxda Barcelona ayaa xalay daqiiqadihii dhimashada gool uu u dhaliyay laacibkooda Messi, uga adkaatay kooxda ay xifaaltamaan ee Real Madrid.

4/24/2017 2:06 AM EST
Isniin, April, 24, 2017 (HOL) -Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 60-aad ayaa saaka magaalladda Baydhabo ku toogatay Afar qof oo Maxkamadda sheegtay in ay ka tirsanaayeen Al Shabaab.

4/24/2017 1:20 AM EST
Isniin, April, 24, 2017 (HOL) -Ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa iska caabiyay weerar ay xalay kusoo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

4/24/2017 1:05 AM EST
Isniin, April, 24, 2017 (HOL) -Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan dheer la qaatay Safiirka UK ee Soomaaliya David Concar oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin horumarinta warbaahinta dalka, Shirka London ee 11ka May iyo arrimo kale.

4/24/2017 12:56 AM EST
Isniin, April, 24, 2017 (HOL) -Natiijada Doorashaddii dalka France-ka ee la sugayay ayaa lagu dhawaaqay, taas oo filan-waa noqotay, sida siyaasiyiinta ay sheegayaan.