4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 24, 2017
Gargaar raashin ah oo loo qeybiyay dad ku tabaaleysan gobollada Baay iyo Bakool


Isniin, April, 24, 2017 (HOL)-- Waqti abaaro baahsan oo saameeyay dadka duunyada ay ku dhufteen dhammaan gobollada dalka Soomaaliya ayuu gurmad baaxad leh gaarayaa dadka abaartu dhibaataysay.

Jaaliyadda Soomaalida dalka Ingiriiska ayaa Gargaar ugu deeqday boqolaal qoys danyar ah oo kunool gobollada Bay iyo Bakool oo kamid ah meelaha ugu daran ee abaartu ragaadisay.

Deeqdaan oo isugu jirtay Raashin iyo agabyo kale oo dhaxanta iyo roobka looga gaashaanto ayaa lagaarsiiyay dad aad u tabaalaysan oo kunool magaalooyin iyo tuulooyin katirsan Bay iyo Bakool.

Dadka loo qeybiyay Gargaarka ayaa ahaa kuwa ugu nugul ee abaartu ay ka dhameysay xoolihii ay dhaqanayeen waxayna dadkaasi ku noolyihiin degmooyinka Diinsoor,Buurhakaba,Buula Fuulaay iyo tuulooyin katirsan gobolka Bakool oo duruufo Bani’aadanimo lagasoo calaamadeeyay.

Qarash dhan $10,350 dollar oo ay iskasoo aruuriyeen Jamaacada ku tukuta Masjidka woolwich ee xaafadda Greenwich magaalada London ayna usoo wakiisheen Ridwaan Xasan Cali ayaa raashin iyo gargaar kale loogu iibiyay dadka dhibaataysan ee ku dhaqan deegaanada fog fog ee gobollada Bay iyo Bakool.

waxyaabaha dadka masaakiinta ah lagaarsiiyay waxaa kamid ah Raashin, Caano,iyo cunto nafaqeysan, qoysaska qaar ayaa lacago caddaan ah loo qeybiyay si ay ugasoo kabsadaan abaarta xoolaha ka dhammaysay.

Dadka ka faa’iideystay gargaarkan waxaa kamid ah qoyska haweenay qisadeeda lagu baahiyay baraha bulshada haweenaydaas oo ku xoola beeshay abaarta Bay iyo Bakool kadibna iyadoo meel cidla ah maraysa umushay oo lawaayay biyo looga dhaqo dhiigga umusha muddo afar maalmood ah iyo wax afka loogu qabto ilmaha yar ee dhallaanka ah.

Hooyadan oo inta badan carruurteedi ay abaartu dishay ayaa lasiiyay lacag caddaan ah iyo raashin ku filan dhowr bil sidoo kalane waxaa loo iibiyay dhar cusub oo ay ku labisato.

Sidoo kale Gargaarka ay soo direen Muxsiniinta Masjidka woolwich ee magaalada London ayaa lagu caawiyay qoysas danyar ah oo ku kala nool gobollada,Sh/dhexe, Hiiraan iyo galguduud.

Dadka gargaarka loo qeybiyay ayaa uga mahad celiyay Jaaliyadda UK dadaalka ay sameeyeen waxayna ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in ay markale gargaar lasoo gaaraan si noloshooda loo badbaadiyo.