4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 24, 2017
Ciidanka dowladda iyo AMISOM oo iska caabiyay weerar ay kusoo qaadeen Al Shabaab

 
Isniin, April, 24, 2017 (HOL) -Ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa iska caabiyay weerar ay xalay kusoo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Ciidanka la weeraray ayaa saldhigyo ku leh Duleedka Degmadda Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Maamulka degmadda wali kama hadlin dagaalkii xalay dhex-maray ciidanka AMISOM oo garab ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqleen rasaas dhinacyo kala duwan u dheceysa.

Wali lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalka ee gaaray labada dhinac.

22 Bishan April, Ugu yaraan 6 qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay Qarax miino oo ka dhacay maqaayad laga cunteeyo oo ku taalla Degmadda Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Qaraxa ayaa loo malaynayaa in hore loogu sii duugay dhabarka maqaayada, waxaana uu dhacay xilli ay dad ku cunteynayeen maqaayadda.

Cali Maxamed Aadan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada ee degmadaasi Qoryooley oo sheegay inuu goob joog u ahaa goobta qaraxa uu ka dhacayey ayaa sheegay inay qabteen ilaa iyo 7 qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen qaraxan.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Booliska degmadda Qoryooley ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa mid la doonayay in lagu waxyeeleeyo dadka shacabka ah, sida hadalka uu u dhigay.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia