4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 24, 2017
Natiijada Doorashadi France oo La Shaaciyey

 
Isniin, April, 24, 2017 (HOL) -Natiijada Doorashaddii dalka France-ka ee la sugayay ayaa lagu dhawaaqay, taas oo filan-waa noqotay, sida siyaasiyiinta ay sheegayaan.

Emmanuel Macron iyo Marine Le Pen, ayaa usoo gudbay wareegga labaad ee doorashada madaxtinimo ee Faransiiska.

Musharaxa Xisbiga Dhexe Emmanuel Macron ayaa gacmaha kor u taagay inti uu u khudbeynayey taageerayaashiisa kadib doorashadi Axada ka dhacday France.

Emmanuel Macron oo ka socda xisbiga dhexe iyo haweeneyda ka socota xisbiga midigta fog ee wadaniga ah ee kasoo horjeeda soogalootiga Marine Le Pen ayaa usoo gudbay wareega labaad ee doorashada madaxtinimo ee Faransiiska.

Dadka lafagura siyaasada ayaa ku tilmaamay isku soo harida labadan musharax ee wareegga labaad in dhulgariir siyaasadeed ay ku noqon doonto dalka Faransiiska.

Kow iyo toban musharrax ayaa u tartamay madaxtinnimada dalkaasi, waxaana wareegga labaad u gudbay Emmanuel Macron iyo Marine Le Pen oo noqday kuwii ugu codka badnaa.

Ku dhawaad 50,000 oo boolis ah iyo 7,000 oo milateri ah ayaa la geeyay goobaha codbixinta ee Faransiiska oo dhan, si ay ammaanka u sugaan.

Ammaanka dalkaasi ayaa la adkeeyay ka dib markii uu maalmo ka hor dhacay weerar uu nin boolis ah ku dhintay, kaasoo uu fuliyay Karim Cheurfi, oo la rumaysan yahay in uu taageersanaa ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia