4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2017
Hay'ada TAYO oo MPLS ku qabatay kulan loogu magac daray Wadaraynta Isbadalada Siyaasadeed ee Somalia & Maraykanka


Axad April 23,2017 (HOL)-Hay’ada Tayo ayaa ku qabatay magaaladda Minneapolis  kulan ay ugu magac dartay Wadaraynta Isbadaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya & Maraykanka.

Doodaha barnaamijkaan  oo labo qayb ahaa ayaa mid kii hore  ay ka wada qaybgaleen Duqii hore Magaaladda Minneapolis  R.T Rybak ,Safiirka Soomaaliya  u fadhiya USA  Axmed Cawad, Aqoonyahan  Faysal  Cabdi Rooble oo aad uga faalooda arimaha Soomaaliya iyo siyaasada geeska Afrika.


Waxaana Dhacay daad labaad oo looga hadlay Islaam Nacaybka sii badanaya Xiligaan oo ay ka qabgaleen dhalinyaro Soomaaliyeed oo wax ku baratay dalkaan Maraykanka oo ka kala yimi gobolo kala duwan sida Ohio, California, Nashville,iyo Minnesota.

 

Doodaan ayaa aheed mid dadwaynahii ka soo qaybgalay ay suaalo ku waydiinanayeen  marti sharaftii safka hore fadhiday , iyagoo uga jawaabay  si hufan , barnaamijkaa xalay ayaa waxuu ku baxaayay luuqada ingiriiska, Hamsa warfaa madaxa hay’ada TAYO ayaa HOL u sheegay in barnaamijkaan ay uga dan lahayeen isku soo dhaweenta Bulashada Soomaalida iyo kuwa Maraykanka ayna kaga hadlayeen isbadaladda siyaasadeed ee labada dal ka dhacay horaantii sanadkaan.

 

Haya’daan TAYO ayaa hore ugu qabatay kulamo  hore oo wax ku ool ah bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota qorashaynaysana inay kuwo kale qabato .

 

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis,MN