Faah faahin : Safarka madaxweyne Farmaajo ee magaalada Baydhabo [Sawirro]
Axad, April, 23, 2017 (HOL) – Madaxweynaha
dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu
hogaaminayo oo maanta siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka
Baydhabo oo safarkiisii ugu horeeyay uu ku tagay tan iyo markii la doortay xilka
madaxweynaha.
Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku
wehlinayay wasiirka difaaca Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, wasiirka gargaarka
iyo maareynta musiibooyinka Drs Maryan Qaasim Axmed, wasiirka caafimaadka Drs
Fawziya Abiikar Nuur, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Xaaji Cali Sheekh
Maxamed Nuur, wasiir ku-xigeenka caafimaadka Xuseen Cismaan Xuseen iyo wasiiru dowlaha ganacsiga
Cabdicasiis Xassan Maxamed, xildhibaanno ka tirsan gollaha shacabka iyo aqalka
sare.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo
ay soo dhaweeyeen madaxda dowlad gobolleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya,
qeybaha bulshada iyo ciidamada qalabka sida ayaa shacabka u sheegay in dowladda
ay dadaal u gashay u gurmashada dadka ay abaarta saameysay, ayna sii wadayaan
in loo gurmado dadka ku xoolo beelay abaarta.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya
waxaa uu ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada Koonfur galbeed in ay la
shaqeeyaan ciidamada si looga dulqaado kooxaha dhibaateynaya shacabka, isagoo
intaa ku daray in amniga uu ka midyahay tiirarka ay dowladdu qorsheyneyso inay
wax badan ka qabato.
“Aan iska kaashano sidii wax looga
qaban lahaa amniga, dowladda waxaa ka go’an in ay xoogga saarto arrimaha
amniga, si gar gaar loo gaarsiiyo meelaha ay ka jirto abaaraha, waxaana aan
diyaar u nahay in aan wax ka qabano abaaraha ka jirta dalka” ayuu yiri
Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya
Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa intaa ay ku
sugan yihiin magaalada Baydhabo waxaa ay u kuurgeli doonaan xaaladda dhabta ah
ee ka jirta magaalada, gaar ahaan dhinaca bani’aadanimada iyo amniga.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]