4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 22, 2017
Dowladda Britain oo ka hadashay shirka Soomalida loogu qabanayo London

Sabti, April, 22, 2017 (HOL) - Dowladda Britain ayaa heshiiskii dhawaan ay gaareen madaxda DF iyo hogaamiyayaasha maamul gobolleedyada ku tilmaamtay mid taariikhi ah oo dhabbaha u xaaraya in ciidamada Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada wadajir uga shaqeynayaan si cad qorshaha ammaanka qaran, si ay tartartiib u qaataan masuuliyada hogaanka si nabad loo helo.

Warsaxadeedka waxaa lagu xusey in dawlada UK ay door muhiim ah ka qaadanayso taageerada caalamiga ah ee amni ku soo celinta Soomaaliya, iyadoo dhaqaalahan cusub ee taageerada uu yahay mid kale oo dheeraad ku ah gagaarka uu hadda bixiso dawlada UK ee ay ka mid tahay tababarka ay ciidamadda British-ka siiyaan ciidamadda qaranka Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika, tababarida Booliiska iyo hawlaha xasilinta iyo waliba ka hortaga ficiladda xagjirnnimadda.

Warkan ayaa waxaa lagu yiri; Amaanka wuxuu noqon doonaa mowduuca ugu muhiimsan shirka Soomaalida ee London lagu qabanayo 11-ka May, kaas oo isku keenaya dawlada cusub ee Federaalka ah, maamulada xubnaha ka ah dawladda Federaalka, iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya si loo dardargaliyo horumarinta la iskuguna raaco iskaashi heer caalami ah oo baahidiisu tahay in Soomaaliya ay qaado dhabbaha ku jihaysan nabad buuxda iyo barwaaqo sanadka 2020.

Soomaaliya waxay u sii baahnaan doontaa taageero la taaban karo guud ahaan ammaanka, isbadal siyaasadeed, horuminta dhaqaalaha iyo bulshada si loo sugo in la adkeeyo horumarka ay sameysay shantii sano ee la soo dhaafay.

Warsaxadeedka waxaa lagu sheegay in xiligan oo kala bar dadka Soomaaliya aanay haysan cunto la isku hallayn karo, shirku waa fursad lagu xoojiyo jawaabta beesha caalamka ee abaarta jirta iyo baahida gargaarka bini'aadamtinimo waxaa loo baahan yahay taageerada caalamiga ah si looga hortago abaar baahsan, hadii aan taas la helinna horumarka siyaasadeed iyo ammaan ee Soomaaliya laga sameeyey tan iyo 2012-kii wuxuu noqon doonaa mid dib u dhac wajaho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]