4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 21, 2017
BUULA-BURTE : Askarigii ka danbeeyay dilka mid ka mid ciidamada AMISOM oo toogasho lagu dilay

 Jimco, April, 21, 2017 (HOL) -Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ayaa sheegaya in howlgal ay sameeyeen caawa ciidamada dowladda Soomaaliya y ku dileen askari dil u geystey mid kamid ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee dalka Jabuuti.

Howlgalkan oo la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Jameeco Shiino ayaa la sheegay in ay fuliyeen guutadii uu ka tirsanaa askarigan oo labo maalmood ka hor toogasho ku diley askari ka tirsanaa ciidamada Jabuuti,

Wararka ayaa intaa daraya in askarigan isku dayay in uu iska difaaco ciidamada waxaana halkaas rasaas la is weydaarsaday uu ku dhintay askariga la sheegay in uu ka danbeeyay dilka.

Taliye ciidamada dowladda ee degmada Buula-burte Cabdullaahi Barre ayaa sheegay in magaalada degmada  ay soo gaar-siiyeen meydka gacan ku dhiig-laha iyo qori uu ka qaatay markii uu dilay askariga u dhashay Jabuuti.

Maalintii shalay waxaa degmada Buula-burte gaaray Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo ay weheliyaan qaar ka tirsan golaha wasiirada Hirshabelle,xildhibaano iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Dilka askariga AMISOM ayaa xiisad ka dhaliyay magaalada Buula Barde, kadib markii ciidamada AMISOM ka shakiyeen ciidamada dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]