4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2017
Kulan looga hadlaayay Abaaraha oo ay agaasintay Sanetor Amy Minnesota

Jimco, April, 21, 2017 (HOL) -Kulan looga hadlaayay gurmadka abaaraha oo ay soo agaasintay Sanetor Amy Klobacher ayaa maanta lagu qabtay Xarunta American Refugee Comattee A.R.C ee magaalada Minneapolis. Waxaana Senoteradda kulankaan ku weheliyay Tom Emmer oo ah wakiilka gobolka MN ee Aqalka Congareska Maraykanka iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee gobolkan.

Waxaa ugu Horreen saxaafadda hadal kooban siisay Sanatorada iyadoo sheegtay inay ka walaacsantahay dhimista miisaaniyada dhaqaalaha hay'adda USAID ee barnaamijka gargaarka ee arrimaha dibadda, waxayna tiri, "waa wax laga walwalo in lacag dhan 17 bilyan laga jaro hay'adaha kaalmada sida tan arimaha  dibadda USAID oo lagu kordhiyo ciidamada. Iyada oo ay fiican tahay in la taageero ciidamada, hadana in aan la sameysanaa xiriir wanaagsan dawladaha dibadda goorta ay noo baahan yihiin waa arrin muhiim ah, ayay tiri Sanetor Amy Klobuchor".


Kulan Abaaraha MPLS
Kulan Abaaraha MPLS 1
Kulan Abaaraha MPLS 2
Kulan Abaaraha MPLS 3
Kulan Abaaraha MPLS 4
Kulan Abaaraha MPLS 5
Kulan Abaaraha MPLS 6
Kulan Abaaraha MPLS 7

Kulanka kadib ayaan waxaanu waydiinay Siyad Ali oo ka hawlgala xafiiska sanatoradda waxa kulankaan uu ku saabsanaa waxuuna yiri, "Muujinta dareenkeenna iyo in aan ka xunnahay dhimista lacagtaas caawinaadda dibadda iyo sidii loogu gurman lahaa abaaraha ayaa ugu muhiimsannaa kulankeenna, ayuu yiri Siyad".


kulankan hay'adaha ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa hay'adda ARAHA, Midnimo iyo Read Horn of Africa. Shirkaan oo muhiim ahaa, ayaa waxaa lagu soo qaaday qodobo badan oo ay kamid yihiin sidii xal loogu heli lahaa gaarsiinta gargaarka goobaha abaarahu ay ka jiraan, iyo walaac dawladda maraykanka ay ka muujisay in gargaarku uu gacanta u galo kooxaha xagjirka ah sida Alshabaab.

Dhinaca kalana labada masuulba waa Amy iyo Tomee waxa ay ugu hambalyeeyeen jaaliyadda soomaaliyeed ee gobolka Minnesota dadaalkooda dheeriga ah iyo dareenkooda qotada dheer.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

Minneapolis,Mn

[email protected]