4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2017
Cabdiwahab Cali oo ah Booliis Soomaali ah oo la Dallacsiiyey Minnesota

Jimco, April, 21 2017 (HOL)- Cabdiwahab Cali oo ahaa Askarigii 2-aad ee Soomaaliyeed  oo ka mid noqda ciidamadda Booliiska Minneapolis ayaa shalay u dalacay darajada Saajin ama sarkaal sare , Abdiwahab Cali ayaa 2004 ilaa 2008 waxa wuu ahaa Booliiska Xaafadaha Loona  yaqaan Community Police, 2008kii ayuu ka mid noqday booliiska Minneapolis .

 Cabdiwahab Ali iyo tiro kale oo askar ahayd ayaa shalay waxaa dalacsiintooda ka soo qaybgalay Duqa Magaaladda Minneapolis Betsy Haodges iyo Taliyaha Booliiska MPLS  Janee Harteau’s.

Intaa kadib ayaa loo yeeray Magacyadda askartii shalay la dalac siiyey waxaana ka mid ahaa  Saajin Cabdiwahab Ali .

Saarjin Cabdiwahab Dalacsiintiisii 1
Saarjin Cabdiwahab Dalacsiintiisii 2
Saarjin Cabdiwahab Dalacsiintiisii 3
Saarjin Cabdiwahab Dalacsiintiisii 4
Saarjin Cabdiwahab Dalacsiintiisii 5

Intaa kadib waxaa noo suura gashay inaan waydiino Sarkaalka waxa ay tahay kulankaan maanta laysku yimi  shaqadii uu hore u qaban jiray iyo waxa hada kadib ay shaqdiisu noqon doonto isagoo ka jawaabaya waxuu yiri kulanka maanta waxuu ahaa dalacsiin askar badan , waxaana hada kadib noqon doonaa danbibaare,ama waxaan ahaan doonaa middusha kalasocda booliiska kale ee shaqada ku jira.

Ilaa sanadkii 2008 waxaa ka mid noqday Ciidammada Booliiska ee gobolkaan tiro booliisa oo soomaaliya oo gaaraysa 20 askari, waxaana jira tiro kale oo wali ku jira tababarkii askarnimo

Waxaan xasuustaa 15 sano ka hor inaysan jirin wax booliis ah oo Soomaali ah, Anaga  iyo booliiskuna xiriirkeenu ma fiicneen ,gaar ahaan xaafadahii aan u badneen sida Cedar Riverside oo kale waxaan ka codsanay taliyihii waagaa joogay inuu qoro booliis Soomaaliyeed waa naga aqbalay anaga  iyo MPD xiriirkeenu aad buu u fiicnaaday intaa kadib ,waxaa hadalkaa yiri Cabdirisaaq Biixi oo mudo badan daganaa Magaaladda Minneapolis.

 

Mohamud Dulyadeyn

Hiiraan Online

Minneapolis, MN.

[email protected]