4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2017
Maamulka Hirshabeelle oo sheegay in uu soo dhoweynayo Ganacsatada Khaadka

 
Jimco, April, 21, 2017 (HOL) -Magaalladda Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaa shalay gaaray lix diyaaradood oo Khaad sida, kuwaa oo shan ka mid ah markii hore Khaadka geyn jiray magaalladda Muqdisho, sida uu sheegay wariye ka tirsan Hiiraan Online.

Sababta arintan ayaa lagu micneeyay go’aan adag oo ay qaateen ganacsatada Khaadka oo si weyn uga gadoodsan cabshuur adag oo lagu soo rogay Khaadka ka degi jiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Marduufka Jaadka ayaa Garoonka Aadan Cadde, markii hore waxaa lagu canshuuri jiray 43,000 oo Shilin Soomaali ah, halka ganacastada ay sheegeen Dowladda inay ku kordhisay lacag dhan 10,000 oo Shilin Soomaali ah, lacagtana ay noqotay 53,000 oo Shilin Soomaali ah.

Haddaba warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Hirshabeelle, ayaa lagu sheegay in la soo dhoweynayo dhamaan Ganacsatada diyaarka u ah in ay maalgashadaan maamulka Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska maamulka Hirshabeelle, ayaa sheegay in ay dhiiragelinayaan dhamaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Halkaan ka Aqriso warsaxaafadeedka:-


Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia