3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2017
Faafaahin: Dabkii ka kacay suuqa Bakaaraha oo la demiyay


Jimco, April, 21, 2017 (HOL) -Dab xooggan ayaa xalay ka kacay Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, sida Ganacsato ay u sheegeen Hiiraan Online.

Gawaarida dab demiska ee maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa ay leeyihiin shirkado gaar ah ayaa ku guuleystay deminta dabka.

Dabka ayaa la sheegay in uu ka dhashay Koronto Qaldantay, waxaana dabka uu saameyay Qeybo kamid ah Suuqa loo yaqaano Suuqa Khaliif, waxaana gubtay dukaamo iyo goobaha Dawaarka ee dharka lagu tolo.

Agaasimaha Waaxda dab demiska Dowladda Hoose ee Xamar Cabdirasaaq Maxamed, ayaa sheegay in ay ku guuleysteen inay demiyaan dabka.

“Waan deminay dabkii, khasaaruhuna ma badna, aad ayay shaqaallaha gurmadka ee waaxda dowladda hoose u dadaaleen, dabka waxaa lagu hakiyay goobtii uu ka billowday oo jiha kasta ayaa laga galay waana deminay” ayuu yiri Mudane Cabdirasaaq.

Agaasimaha Waaxda Dab demiska Dowladda Hoose ayaa ganacsatada ku dhaliilay in aysan ka fakarin qatarta ka dhalankarta Korantada iyo Ciriiriga waddo xumida marka muusiibooyinka noocaan oo kala ah ay dhacaan.

Suuqa Bakaaraha ayaa ah Suuqa ugu weyn ee Soomaaliya, waxaana waddooyinka Dhex mara ay yihiin kuwo ciriiri ah oo aan sahlaneen in si sahlan loola tacaamulo marka musiibooyin noocaan oo kala ah ay jiraan.

27 bishii February ee 2017, dab xooggan oo sidan oo kala ah ayaa ka kacay Suuqa Bakaaraha, waana markii labaad ee sanadkan oo dab uu ka kaco Suuqa.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia














Click here
4/21/2017 2:31 PM EST
Jimco, April, 21, 2017 (HOL) - Ciidamada dawladda Kenya ayaa sheegay in ay dileen 52 ka tirsan ururka Al-Shabaab habeenimadii xalay ku dileen weerar ay ka geysteen deegaan lagu magacaabo Sarira oo u dhaw magaalada Badhaadhe.

4/21/2017 2:04 PM EST
Jimco, April, 21, 2017 (HOL) -Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ayaa sheegaya in howlgal ay sameeyeen caawa ciidamada dowladda Soomaaliya y ku dileen askari dil u geystey mid kamid ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee dalka Jabuuti.

4/21/2017 11:15 AM EST
Kulan looga hadlaayay gurmadka abaaraha oo ay soo agaasintay Sanetor Amy Klobacher ayaa maanta lagu qabtay Xarunta American Refugee Comattee A.R.C ee magaalada Minneapolis.

4/21/2017 10:43 AM EST
Cabdiwahab Cali oo ahaa Askarigii 2-aad ee Soomaaliyeed oo ka mid noqda ciidamadda Booliiska Minneapolis ayaa shalay u dalacay darajada Saajin ama sarkaal sare ,

4/21/2017 7:54 AM EST
Jimco, April, 21, 2017 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed “Farmaajo” ayaa u hambalyeeyay Madaxweyne Erdoğan iyo Shacabka Turkiga kadib markii xisbiga madaxweyne Erdogan uu ku guuleystay aftidii laga qaaday shacabka dalkaasi.

4/21/2017 7:33 AM EST
Jimco, April, 21 2017 (HOL)- Xildhibaanada golaha deegaanka degmadda Saylac ayaa bedelay maayarkoodii,isla markaana maayar cusub doortay, taas oo abuurtay khilaaf u dhexeeya golaha deegaanka Saylac iyo wasaardda Arrimaha gudaha Somaliland.

4/21/2017 4:55 AM EST
Jimco, April, 21, 2017 (HOL) -Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Aaden (Jawaari), ayaa la kulmay Ururka Naafada Qaranka Soomaaliyeed.

4/21/2017 2:53 AM EST
Jimco, April, 21, 2017 (HOL) -Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa si kal iyo laab ah uga mahadcelisay Dowladda iyo Shacabka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo maalinta Jimcaha ah iclaamiyey u gurmadka abaaraha dalka ka jira oo dhammaan TV-yada Imaaraadka ay si toos ah (live) ugu ololeynayaan in shacabka Imaaraadka uu lacago u ururiyo Abaaraha Soomaaliya.

4/21/2017 1:36 AM EST
Jimco, April, 21, 2017 (HOL) -Magaalladda Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaa shalay gaaray lix diyaaradood oo Khaad sida, kuwaa oo shan ka mid ah markii hore Khaadka geyn jiray magaalladda Muqdisho, sida uu sheegay wariye ka tirsan Hiiraan Online.

4/21/2017 1:14 AM EST
Jimco, April, 21, 2017 (HOL) -Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Maareynta Maaliyada, Amniga Qaranka, Xuquuqda Shaqaalaha, Qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa iyo arrimo kale.