3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Arrimaha Jubbooyinka iyo Gooni-isku-taagga Maamulka Somaliland
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrimaha ka taagan Jubbooyinka, isagoo sheegay in waxyaabaha ka taagan ay qayb ka yihiin waxyaabihii ay muddada ka digaysay dowladda.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa ka hadlay Somaliland, isagoo xusay in midnimada Soomaaliya ay tahay mid muqadas ah, loona baahan yahay in shacabka ku nool gobollada Waqooyiga Soomaaliya ay dib u liqaan hankooda.

"Waxyaabaha ka dhacaya Jubbooyinka waa arrimihii ay dowladdu ka digayso muddooyinkii lasoo dhaafay, waxaana caddaatay in shirarkii Jubbooyinka ka socday iyo wixii kasoo baxayba aysan ahayn wax loo dhamaa," ayuu yiri Xasan Sheekh oo ka hadlayay xaflad lagu furayay xarun lagu xannaaneeyo agoonta oo laga furay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Xaruntan lagu xannaaneynayo agoobta oo lagu magacaabo ANADOL ayaa waxaa maalgelisay dowladda Turkiga, iyadoo loogu talogalay in lagu xannaaneeyo saddex 300 oo agoon Soomaaliyeed ah si ay u helaan nolol wanaagsan iyo waxbarasho.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in shacabka ku nool Jubbooyinka ay yihin dad nabadeed; sidaasi darteedna aan loo baahnayn in colaad la geliyo,  isagoo sheegay inay wali jirto fursad xal looga gaari karo arrimaha ka taagan Jubbooyinka.

“Dowladdu waxay aaminsan tahay inay weli jirto fursad looga hortegi karo colaado ummadda loo horseedo. Dowladdu waxay baaq u direysaa shacabka deegaankaas ku nool waxayna ugu baaqeysaa in dowladda federaalka ay kala shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa maamul goboleedyo u adeega danaha shacabka deegaankaas ku nool, iyadoo la raacayo dastuurka dowladuna hoggaanka u qabato dhismaha maamullada dalka, maadaama ay iyadu dalka oo dhan mas'uul ka tahay," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray: "Nidaam kasta oo dalka laga dhisayo waa inuu noqdaa mid shacabka deegaanka ay u wada dhan yihiin lagana soo billaabo hoos. deegaannada Jubbooyinka ayaa weli ku jira gacanta Al-Shabaab loona baahan yahay inay goobahaas laga bixiyo si dadka ku nool ay u helaan amni iyo kala dambeyn si ay uga qeyb-qaataan dhismaha dalka iyo ka talinta aayaha mustaqbalkooda.”

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo soo hadal qaaday arrimaha Somaliland ayaa sheegay in la gaaray xiliga la xajin lahaa midnimda ummadda Soomaaliyeed; ayna tahay in meel la iska dhigo waxyaabihii lasoo dhaafay lagana fikiro mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Isagoo xusay in dadaal loo galo sidii loo heli lahaa midnimada Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay si nabad ah ku raadiso midnimada shacabka Soomaaliyeed, xitaa dowladdu waxay diyaar u tahay inay wadahadallada u tagto goob walba," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaysan jirin wax colaad ah oo dadka ku nool Koonfurta ay u qabaan dadka waqooyiga Soomaaliya ku nool, sidoo kalena loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii midnimada loo adkeyn lahaa.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay arrimaha federaalka; isagoo sheegay in dowladda Somalia ay ogoshahay in Somalia laga hirgeliyo federaalka; balse loo baahan yahay in laga fikiro sidii lagu dhaqangelin lahaa.

“La iskuma khilaafsana Federaalka oo dastuurka baa qeexaya, dowladduna diyaar bey u tahay hirgelinta federaalka oo barnaamij cad cad bey dowladdu dejisay. Dowladdu diyaar bey u tahay inay dhageysato fikirka shacabka Soomaaliyeed ee ku wajahan sidii loo dhaqan gelin lahaa nidaamka Federaalka.”

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya  ee ku aaddan Somaliland ayaa kusoo beegmaya xilli Somaliland ay u dabaal-degayso maanta sanad-guuradii 22-aad ee kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
5/18/2013 10:18 AM EST
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Xubno ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan uu horkacayo guddoomiyaha maamulka gobollka Cabdi Faarax Laqanyo ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay kormeer ku tagay deegaanno ka baxsan magaalada Baladweyne iyaga oo u kuur-galaya xaalada nabad-galyo iyo tan nolalleed deegaannada gobollku ka kooban yahay.

5/18/2013 8:42 AM EST
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Dadweynaha Somaliland ayaa maanta u dareeray dabaaldega maalinta madaxbanaanidda Somaliland ee 18 May, kaas oo sanad walba laga xuso dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Kumanaankun oo shacabka magaaladda Hargeysa, ayaa saaka hiirtii waaberi ku soo kalahay wadada badhtamaha magaladda Hargeysa oo ay socod ku marayeen ciidamada kala duwan ee Somailand, ardayda jamaacadaha, dugsiyada iyo ururada bulshadda oo ay hor socdaan madax dhaqameedka gobolka Maroodi jeex.

5/18/2013 8:36 AM EST
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Munaasibado iska soo horjeeda ayaa maanta ka dhacay gobolka Sool iyo deegaanka Cayn ee Buuhoodle, kuwaasoo dhamaantood ahaa kuwo lagu xusayay 18-ka May.

5/18/2013 4:19 AM EST
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Wafdigii ka socday urur-goboleedka ee ku sugnaa Muqdisho ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay ka billaabi doonaan howl ay ku indho-indheynayaan xaaladda ka jirta magaaladaas.

5/18/2013 3:55 AM EST
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — AMISOM ayaa muujisay mowqifka ay ka taagan yihiin maamullada looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo u muuqda inay iska soo horjeedaan.