3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2013
Hay'adda CCD oo Magaalada Muqdisho ku qabatay Xuska Maalinta Dhallinta Soomaaliyeed ee 15-ka Bishan May

Jimco, May 17, 2013 (HOL) —  Munaasabad lagu xusayay 70-guuradii ka soo wareegatay aas aaska dhalinyaradii halgamayaasha SYL ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Ururada Dhalinyarada degmooyinka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada sida Haweenka.

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay Hey'adda CCD ayaa  ka dhacday xarunta degmada Shibis, waxaana ka qeyb galay Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar, Gudoomiyaha Hey'adda Wada hadalka bulshada ee CCD Ciise Axmed Cumar, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Mas'uuliyiin kale.

Guddoomiyaha degmada Shibis Daa'uud Cabdulle Maxamed oo ugu horeyn ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikh ah, oo astaan u ah xoriyada dalka, isagoo ugu baaqay dhalinyarada inay noqdaan kuwo tayo leh, una kacaan horumarinta bulshada, kana qeyb qaataan adkeynta nabadgalyada.
Ku-simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Maaliyada Iimaan Nuur Iikar ayaa sheegay in fikirka SYL ay keeneen uu ahaa mid dalka xor ku noqday, balse haatan 70-sano kadib la joogo meel aanay fileyn.

"Dhalinyaradii SYL waxay keeneen fikir meel walba aduunka lagu gaarsiiyay in dalka uu xor noqdo, 70-sanokadib intee joognaa, hadii maanta ay ogaan lahaayeen dhalinyaradii 13-ka ee SYL maanta dalkan halka uu marayo waa ay ooyi lahaayeen, marxaladan nabada la isku diidan yahay," ayuu yiri Iimaan Nuur Iikar.
Iimaan Nuur Iikar ayaa ugu baaqay in loo baahan yahay in wadajir ay ummadda sameeyaan, si dalka u dego, waxaana uu tibaaxay in dalka ay dib ugu soo laabanayaan qurba-joogta, ayna muhiim tahay in dhalinyarada ay doorka ugu badan ka qaataan nabadgelyada.

Sidoo kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf oo munaasabada ka jeediyay khudbad xambaarsaneyd fariinta dhalinyarada ee maanta ayaa waxaa uu cadeeyay in dhalinyaradii SYL ee 13-ka dhalinyaro ahaa ay aqoon badan yihiin dhalinyarada maanta, isla markaana xilligan uu ka casrisan yahay xilligii hore.

"Magacii dhalinyarada maanta waa la xumeeyay, dhalinyarada maanta waxay heystaan fursad aad muhiim ah, dhalinyarada maanta waxay heystaan macluumaad badan, hadii ay ahaan lahaayeen aaladaha dadka ku wada xiriiraan sida Facebook, Twitter iyo adeegyada bulshada muhiimka ah, sidaas darteed waxaa nagala rabaa inaan abaabul sameyno oo aan noqono madaxdii berri"ayuu yiri Maxamed Yuusuf oo u mahadceliyay hay'adda CCD oo ku tilmaamay hey'ad u taagan wada hadalsiinta bulshada iyo wacyi gelinteeda.

Maxamed Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay hogaanka dalka ay leeyihiin dhalinyarada, isla markaana mar ay booqdeen Jaamacadaha ku yaal Muqdisho ay ku soo arkeen dhalinyaro badan oo wax ka baranaya, taasna ay tusaale u tahay in dhalinyarada ay yihiin madaxda Mustaqbalka. Intii Munaasabada socotay ayaa waxaa lagu soo bandhigay Suugaano, ciyaaro Fankaloorka iyo kuwa kale oo ay caanka ku yihiin degmada Shibis, waxaana munaasabada qurxinayay haween iyo dhalinyaro soo xirtay dharka Calanka, iyagoo muujinayay sida maalintan oo kale ay qiimo ugu leedahay dhalinyarada Soomaaliyed.

Ugu dambeyn waxaa munaasabada ka hadlay qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha dhalinyarada degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasoo sheegay in maanta loo baahan yahay in dhalinyarada la xoojiyo, lagana wacyi geliyo fikirdaha qaldan ee lagu shubay, si ay dalka ugu horseedaan nabadgelyo ay bulshada Soomaaliyed ugu naaloodaan.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/17/2013 10:45 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Hay'adda HIRDA oo ka mid ah hay'adaha ugu waaweyn ee ka howlgala Soomaaliya ayaa howlo samafal ah ka fulisay gobollada Hiiraan, Galgaduud, Gedo iyo gobollo kale ku yaalla Soomaaliya.

5/17/2013 10:25 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Somalia ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay booqasho ku joogay magaalada Muqdisho.

5/17/2013 9:14 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen dagaal ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab xalay saqdii dhexe ku dhex-maray xalay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

5/17/2013 8:50 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Munaasabad aad u ballaaraan oo lagu soo dhaweynayay arday baran doonto waxbarashada sare ee Master ayaa jaamacada SIMAD waxay maanta ku qabatay Hoteelka Sunrise ee magaalada Muqdisho.

5/17/2013 7:52 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo, Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhasheel) ayaa taageero ballaaran u muujiyey maamulka Jubaland oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

5/17/2013 7:36 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Guud ahaan Somaliland waxa si weyn looga dareemayaa u diyaar garowga maalinta gooni isku taaga Somaliland ee 18 May oo sanad walba gudaha iyo dibadda si balaadhan looga xuso, isla markaana ku beegan maalinta barito ah ee Sabtidda.

5/17/2013 7:28 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle oo dhawr bilood ka hor dhaliil usoo jeediyey laba wasiir oo xukuumadda Somaliland ka Tirsan darteed xukun loogu riday , ayaa sheegay in aanu illaa hadda garanayn sababta loo xidhay iyo waxa uu ku mutaystay xadhiga hal sanno ah oo maxkamadda Hargeysa ku xukuntay.

5/17/2013 7:23 AM EST
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Urur-siyaasadeedka MIDNIMO oo kamid ah ururada siyaasadda ee Puntland ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay go'aankiisa ugu danbeeya ee ku aadan doorashada goleyaasha deegaanka ee lagu wado in dhamaadka bisha soo socota ee Juun ay ka qabsoonto deegaanada Puntland.