3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2013
Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo ku guuleeystay doorashada Madaxweeyninimada Dowlad goboleedka Jubbaland

Arbaco, 15 May, 2013(HOL) :- Waxaa goordhawayd lasoo gabagabeeyay doorashada madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubbaland, iyadoona xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka uu ku guuleeystay gudoomiyii KMG ahaa degmada Kismaayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe)

Doorashadan oo maanta ka dhacday xarunta Jaamacadda magaalada Kismaayo islamarkaana ay ku tartamayeen musharixiin badan ayaa waxa ku guuleeystay Sheekh Axmed Madoobe oo isagu ah hogaamiyaha ururka Raaskaambooni.

Sawirrada Doorashada iyo weliba faahfaahin ku saabsan habka ay u dhacday doorashada waxaan haduu rabbi qadaro idinku soo gudbin doonnaa wararkeena Danbe.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.













Click here
5/15/2013 2:59 PM EST
Arbaco, May 15, 2013 (HOL) — In ka badan 90-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa u gudbiyay mooshin ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya, kaasoo ay ku sheegeen in ra'iisul wasaare Saacid iyo xukuumaddiisa ay kalsooni weydiisato golaha baarlamaanka Soomaaliya.

5/15/2013 2:57 PM EST
Arbaco, May 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wuxuu soo dhaweyay Midowga Yurub oo tababarkii ciidamada ka billaabay gudaha Soomaaliya, isagaoo ku tilmaamay inay xoojinayso ciidammo ay yeelato Soomaaliya.

5/15/2013 10:46 AM EST
Arbaco, 15 May, 2013(HOL) :- Waxaa maanta xarunta Jaamacadda Kismaayo ka dhacday doorashada madaxweeynenimo ee maamul goboleedka Jubbaland, waxaana doorashadani ku tartamayay ku dhawaad ilaa 3 Musharax oo u taagnaa xilka Madaxweeynenimo ee dowlad goboleedka Jubbaland.

5/15/2013 7:04 AM EST
Arbaco, May 15, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo burcad ah ayaa gudaha u galay xarunta shirkadda Dahabshiil ee Muqdisho, iyadoo ay ku gadaaman yihiin ciidamada dowladda oo goobtaas soo gaaray markii ay kooxdan gudaha u galeen xarunta.

5/15/2013 6:03 AM EST
Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray gobolka Gedo tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen.

5/15/2013 5:26 AM EST
Arbaco, May 15, 2013(HOL) :- Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa magacaabay guddi ka kooban ilaa 16 xubnood oo ka kala tirsan labada gole ee dowladda, kuwaasoo kasoo shaqeyn doona arimaha Jubooyinka iyo weliba sidii xal waara looga gaari lahaa.

5/15/2013 4:54 AM EST
Arbaco, May 15, 2013(HOL) :- Masuuliyiin kasoo jeeda Jubooyinka ayaa maalintii labaad ku xayiran garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, iyadoona masuuliyiintani uu hogaaminayo siyaasi lagu magacaabo Max’ed Amiin oo kasoo jeeda Jubooyinka.