3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2013
Kooxo hubeysan oo gudaha u galay Xarunta Shirkadda Dahabshiil ee Muqdisho iyo ciidamada Dowladda oo ku hareeraysan

Arbaco, May 15, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo burcad ah ayaa gudaha u galay xarunta shirkadda Dahabshiil ee Muqdisho, iyadoo ay ku gadaaman yihiin ciidamada dowladda oo goobtaas soo gaaray markii ay kooxdan gudaha u galeen xarunta.

Mid ka mid ah ilaalada shirkadda ayay kooxaha hubeysan toogasho ku dileen, iyadoo iska-horimaad dhacayna lagu dilay qof rayid ah, iyadoo goobta oo dhan ay ka taagan tahay xiisad kacsanaan ah.

"Dableydu waxay ahaayeen tuugo doonayay inay dhacaan xarunta, markii ay galeen ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamada dowladda si ay kooxahaas uga hortagaan, welina waa la isku horfdhiyaa," ayuu yiri ganacsade dukaan ku leh agagaarka xaurnta Dahabshiil oo HOL la hadlay.

Ganacsadaha ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ku hareereysan yihiin goobta kooxaha hubeysanna ay gudaha ugu jiraan xarunta, iyadoo falkan uu noqonayo kii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca Muqdisho.

Warar ku dhowdhow Dahabshiil ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ee ku jira gudaha xarunta ay tiradoodu tahay laba qof, halka kuwo kale oo tirsanaa burcaddana ay goor hore baxsadeen, iyadoo aan la ogeyn cid ay ka tirsan yihiin kooxdan galay xarunta Dahabshiil.

Ciidamada dowladad ee goobta gaaray ayaa isku dayay inay gacanta ku dhigaan kooxaha burcadda ah ee ku harsan gudaha xarunta, iyadoo aan la sheegin wax lacago ah oo laga dhacay shirkadda.

Xarunta Dahabshiil ee Muqdisho oo ah midda ugu weyn Koonrfuta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa bil ka hor waxaa illinka hore ee xarunteeda lala beegsaday qarax khasaare gaarsiiyay mid ka mid ah albaabbada ugu waaweyn xarunta.

Wixii warar ah ee arrintan kasoo kordha waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/15/2013 2:59 PM EST
Arbaco, May 15, 2013 (HOL) — In ka badan 90-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa u gudbiyay mooshin ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya, kaasoo ay ku sheegeen in ra'iisul wasaare Saacid iyo xukuumaddiisa ay kalsooni weydiisato golaha baarlamaanka Soomaaliya.

5/15/2013 2:57 PM EST
Arbaco, May 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wuxuu soo dhaweyay Midowga Yurub oo tababarkii ciidamada ka billaabay gudaha Soomaaliya, isagaoo ku tilmaamay inay xoojinayso ciidammo ay yeelato Soomaaliya.

5/15/2013 10:46 AM EST
Arbaco, 15 May, 2013(HOL) :- Waxaa maanta xarunta Jaamacadda Kismaayo ka dhacday doorashada madaxweeynenimo ee maamul goboleedka Jubbaland, waxaana doorashadani ku tartamayay ku dhawaad ilaa 3 Musharax oo u taagnaa xilka Madaxweeynenimo ee dowlad goboleedka Jubbaland.

5/15/2013 8:44 AM EST
Arbaco, 15 May, 2013(HOL) :- Waxaa goordhawayd lasoo gabagabeeyay doorashada madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubbaland, iyadoona xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka uu ku guuleeystay gudoomiyii KMG ahaa degmada Kismaayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe)

5/15/2013 6:03 AM EST
Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray gobolka Gedo tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen.

5/15/2013 5:26 AM EST
Arbaco, May 15, 2013(HOL) :- Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa magacaabay guddi ka kooban ilaa 16 xubnood oo ka kala tirsan labada gole ee dowladda, kuwaasoo kasoo shaqeyn doona arimaha Jubooyinka iyo weliba sidii xal waara looga gaari lahaa.

5/15/2013 4:54 AM EST
Arbaco, May 15, 2013(HOL) :- Masuuliyiin kasoo jeeda Jubooyinka ayaa maalintii labaad ku xayiran garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, iyadoona masuuliyiintani uu hogaaminayo siyaasi lagu magacaabo Max’ed Amiin oo kasoo jeeda Jubooyinka.