4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2013
Taliyaha Ciidamada Milatariga Somaliland oo ka Warbixiyay dagaal ka dhacay duleedka Deegaanka Xudun ee Gobolka Sool

Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Ciidanka Milatariga Somaliland iyo ciidamadda khaatumo ayaa shalay galab dagaal muddo kooban socday iskaga hor yimid duleedka degmadda Xudun ee gobolka Sool.

Taliyaha ciidanka Milatariga Somaliland Gen:Ismaaciil Maxamed Shaqalle ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkaasi ay ku soo qabteen toban maxbuus oo ka tirsan ciidanka Khaatumo, laba baabuur oo tikniko ah iyo hal baabuur oo xamuul ah, halka ciidanka Somaliland uu sheegay inay laba askari ka soo gaadheen dhaawac.

“Waxay maleeshiyaadka nabad diidka ah ee isku magacaaba Khaatumo ay weerar gar-darro ah ku soo qaadeen Ciidanka qaranka ee Jiidda Xudun, waxaanay dagaalkaasi kala kulmeen jab iyo halaag. Waxaana la eryaday masaafo dhan 40 KM,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Militariga Somaliland Gen:Ismaaciil shaqalle oo ka hadlayey dagaalkaasi.

“Ciidanka qaranku waxay ka qabsadeen maleeshiyaddaas nabad-diidka ah laba Baabuur oo nooca Tiknikadda ah, hal baabuur oo Xamuul ah. Waxaana laga qabtay 10 Maxbuus.”ayuu hadalkiisii raaciyey taliyuhu.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay dagaalkaasi oo muddo kooban socday uu laba askari kaga dhaawacmay, haseyeeshee ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dhinicii kale ee ciidanka khaatumo.

Si kastaba ha haaatee, khasaaraha  dagaalkaasi shalay galab ka dhacay duleedka Degmada Xudun ayaan jirin warar madax banaan oo sheegaya khasaaraha dhabta ah ee halkaasi ka dhacay.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland