4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2013
Xukuumadda Siilaanyo oo Degmada Saylac u dirtay Wafdi ka kooban Wasiirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) —Xukuumadda Somaliland ayaa maalintii shalay ahayd ku xoojisay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Carraale Duur ku xoojisay laba wasiir iyo guddoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye, iyadoo xukuumaddu ay wafdigan u dhiibtay fariin ka duwan fariintii ay beesha Ciise ka diidday wasiirka arrimaha gudaha.

Wasiiradda ay xukuumaddu u dirtay waxay kala yihiin: wasiirka warfaafinta Somaliland, Abiib Diiriye Nuur (Tima-cad) , wasiirka gaashaandhigga, Axmed Xaaji Cali Cadami, iyo guddoomiyaah xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi.

Lama garanayo farriinta ay qaadeen waxay tahay hase yeeshee waxaa jira warar sheegaya in fariintan ay ka culus tahay kii ay xukuumaddu markii hore u dhiibtay, balse lama oga go’aanka kasoo bixi doona beesha Ciise.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qodobbadii ay beesha Ciise ka diiday wasiirka arrimaha gudaha ay iska arkeen madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland, iyagoo habeen hore go’aamiyay qorshe kale oo uga sad-roon Beesha Ciise intii ay diideen.

Si kasta ha ahaatee, waftigan ayaa gellinkii dambe ee shalay waxau si nabadi ay ku jirto ku gaareen magaalada Saylac, iyagoo markiiba billaabay wadatashi ay la yeelanayaan wafdigii uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Soomaliland.

Mas’uuliyiintii beesha Ciise ee xilkoodii gabay oo ee u tartamay degmada Saylac ayaa iyaguna shir jaraa’id ku qabtay magaalada Saylac iyagoo ku sheegay in beeshooda Ciise ay tahay Qaran balse aysan ahayn qabiil taasoo cadeyneysa makhraati madoona ka dhigaysa sida ay weli beeshaan u diiddan tahay nabadda; waxayna tani dhabar-jab weyn ku noqonaysaa xukuumada Siilaanyo ay xal u raadinayso go’aan beeleed.

Degmada Saylac waxay ka mid ahayd degmooyinkii ay ka dhaceen dibad-baxyadii ugu darnaa ee ka dhashay doorashooyinkii lagu murmay ee goalayaasha deegaanka oo bishii November ee sannadkii hore ka dhacay guud ahaan Somaliland.

Khadra Xasan Maax, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland