4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2013
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo boqollaal qof kala qeyb-galay bannaanbax lagu taageerayo Go’aankii Dowladda Mareykanka



Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) — Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta boqolaal ruux kala qaybgalay banaanbax ballaaran oo ay ku taageerayeen go’aankii dowladda Mareykanka ay ku aqoonsatay dowladnimada Soomaaliya muddo laga joogo 22-sano.

Bannaanbaxan oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaadir, ayaa ka dhacay barxad weyn oo ku dhow madxtooyada Soomaaliya, waxaana halkaa ka hadlay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, wasiirka arrimaha gudaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dadweynihii kasoo qaybgalay dibadbaxa ayaa watay boorar iyo sawirro ka tarjumaya soo dhaweynta go’aankii dowladda Mareykanka ay ku gaartay inay ku aqoonsato dowladda federaalka Soomaaliya, taasoo ah middii ugu horreysay oo dalka ka dhalata tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee dalka.

“Waxaan ku faraxsannahay go’aanka taariikhiga ah ee dowladda Maraykanka ay ku gaartay inay ku aqoonsato dowladda Soomaaliya, idinkuna waad ku mahadsan tihiin taageerada aad muujinaysaan; idinkoo taagan cadceed aad u kulul,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale, sheegay in isagoo wakiil ka ah shacabka Soomaaliyeed uu soo dhaweynayo go’aankii dowladda Mareykanka ee ay dib ugu aqoonsatay dowladnimada Soomaaliyeed.

“Waxaan rabaa inaan munaasabadan si gaar ah ugu xuso aqoonsiga ay dowladda Mareykanka siisay dowladda Soomaaliyeed 22-sano kadib. Mareykanka iyo dadkeedaba waan uga mahad-celinaynaa tallaabadan ay ku garab-istaagtay dowladnimada Soomaaliya, waxayna timid waqti xasaasi ah oo aanu u baahneyn, waana saaxiibo na-garab-istaagay, caalamka kalena gaarsiiya dadaalkeena ayaanu leenahay,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo xusay in go’aankani uu ku yimid dhiiranaan, wadajir iyo midnimada ay muujiyeen dowladda Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan iyo dowladda.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in talaabadani ay ku timid qiimeyn baaxadda leh oo ay dowladda Mareykanku ku sameysay horumarka siyaasadeed iyo isku duubnida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaanu sameysanay muddo gaaban gudaheeda, dastuur, baarlamaan kooban, iyo isbedel ay ku yimaadeen baalamaan iyo hoggaankiisa, madaxweyne iyo ra’iisul wasaaraha, dhamaan tallaabooyinkaas waxay muujiyeen in Soomaalida ay ka go’an tahay inay horay u socdaan,” ayuu Saacid hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale, ra’iisal wasaaraha xukuummada Soomaaliya ayaa ka hadlay ololaha nadaafada ee gobolada dalka, isagoo sheegay in golaha wasiirradu ay go’aamiyeen in la billaabi doono 27-ka illaa 31-ka bishan Janaayo ololaha nadaafadda degmooynka gobolka Banaadir, isagoo ballanqaaday in lagu abaalmarin doono lacag dhan 15-kun oo doollar, degmadii kaalinta labaad gashana waxaa lasii doonaa 10-kun oo doollar, halka middii gasha kaalinta saddexaadna lagu abaal marin doono shan kun oo doollar.

Ugu danbayntii, ra’iisul wasaaraha ayaa u mahad-celiyey, maamulka gobolka Banaadir oo soo qaban-qaabiyay isku soo baxaan, fanaaniinta, suxufiyiinta, barbaarta gaashaaman, ciidanka baambayda iyo ciidamada kala duwan ee sugayey amniga.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya