4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland: Aqoonsiga Mareykanka ee Soomaaliya wuxuu Dharbaaxo ku yahay Somaliland

Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa ictiraafay uu Mareykanku siiyay dowladda Soomaaliya ku tilmaamay dharbaaxo indhaha looga riday Somaliland, waxaanu Mareykanka ugu baaqay inuu qiimeeyo Somaliland iyo maamul-goboleedyada kale oo nabad kusoo dabbaalay deegaannadooda intii ay Koonfurta Soomaaliya qasnayd.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay dadaallo nabadeed oo maalmahan ka socday degmada Saylac oo ay rabshado ka dhaceen, kuwaasoo aan weli lagu guuleysan in xal waara laga gaaro.

“Dowladda Soomaaliya si khaldan ayay u turjumatay aqoonsiga la siiyay; ictiraafkana waxaa u baahnayd Somaliland, mana jirto wax aqoosnigaas uu i noo soo kordhinayo Somaliland ahaan,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee Somalia.

Wasiirka oo ka hadlay arrinta Saylac ayaa sheegay in beesha Ciise ay diiday inay qaado guddoomiye ku-xigeenka degmadda oo ay kusoo qanciyeen inay bixiso beesha Samarooon iyo sidoo kale xilal madaxweynaha Somaliland ugu ballanqaaday oo ka mid ah dowladda dhexe iyo deegaanka intaba.

“Weli kama rajo dhigin inay beesha ciise aqbasho go’aannada la gaaray, hase yeeshee uma dulqaadan doonno ciddii ka hortimaadda nidaamka maamul ee dalka u yaalla, waxaana ka qaadaynaa tallaabo ammaanka adag haddii ay isku daydo inay ammaanka dalka waxyeelleyso,” ayuu wasiirku ku yiri warbixin uu saxaafadda siiyay.

Dhinaca kale, wararka aanu ka helayno degmada Saylac ayaa sheegaya inay beesha Ciise u diyaar-garoobayso inay iska caabiso haddii ay timaaddo hanjbaadda Duur.

Wararku waxay intaas ku darayaan in koox dabley ah oo ka tiran ciidan beeleedka beesha Ciise ay gallinnkii dambe ee shalay ka baxsadeen magaalada, isla markaana laga cabsi qabo xaalad dagaal.

Ugu dambeyn, wararku waxay sheegayaan inay socdaal dadaallo lagu doonayo sidii beesha Ciise loo qancin lahaa, waxaana magaaladaas shalay tagay wafdi ka socda sirdoonka Jabuuti iyo saraakiil horay uga tirsanaa ciidamada dalkaas; kuwaasoo ka dalbaday wasiirka arrimaha gudaha ee Sonmaliland inuu maamulka degmada kusoo celiyo gacanta beesha Ciise, iyadoo Duur uu ku gacan-sayray arrintaas, wuxuuna sheegay in beesha Ciise ay u hayaan jagada ay diideen oo keliya.

Khadra Xasan Maax, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland