4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2013
Dowladda Somalia oo Markii ugu Horreysay Haweeney u Magacowday inay noqonto Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Dalka


Jimco, September 20, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay u magacowday guddoomiyaha bankiga dhexe ee dalka haweeney Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Yusur Abraar, iyadoo bedelaysa C/salaam Cumar Hadliye oo horay xilkaas u hayay.

C/salaan Hadliye ayaa is casilay kaddib markii uu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu bartamihii bishan u sheegay in isbedel lagu sameynayo maamulka bankiga dhexe, kaddib markii warbixin ay soo saareen guddi gaar ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ay Hadliye la xiriiriyeen lacago bankiga lagala baxay, balse guddoomiyihii hore ee bankiga ayaa beeniyay warkaas.

Yusur Abraar ayaa la sheegay inay ka shaqeyn jirtay 30-kii sano ee aynu soo dhaafnay bankiyo caalami ah iyo shirado ka shaqeeya caymiska. Iyadoo mid ka mid ah saraakiisha xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya uu u sheegay warbaahinta in haweeneydan loo magacaabay xilka, laakiinse la sugayo oo keliya inay xilka la wareegto.

Sarkaalkan ma uusan sheegin xilliga ay xilka kala wareegi doono Yusur oo noqonaysa haweeneydii ugu horreysay oo xilkan oo kale loo magacaabo, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli madaxda dowladda Somalia ay horay u sheegeen in isbedel lagu sameynayo hay’adaha maaliyadda dalka.

“Markii madaxweynaha Soomaaliya uu ii sheegay in isbedel lagu sameynayo ha’yadaha maaliyadda dalka oo uu Bankigu ka mid yahay ayaan go’aan ku gaaray inaan u gudbiyo warqaddayda is-casilaadda,” ayuu Hadliye u sheegay wakaaladda wararka Reuters isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay lixdii bishan September in baaritaanno lagu sameeyay warbixintii guddiga la socodka cunno-qabteynta Soomaaliya iyo Eritrea ay ahayd mid been ah, taasoo uu madaxweynuhu ku sheegay in ay tahay mid ay dunida ay ugu caddeeyaan in warkaas uusan jirin.

Eedeynta guddigu soo saaray ayaa waxay ku sheegeen in $12-milyan oo ka mid ahaa 16.9 milyan oo doollar laga waayay bankiga kaddib markii si aan sax ahayn looga saaray, iyagoo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan ku eedeeyay inay lacagtaas kala baxeen bankiga guddoomiyaha bangiguna uu fududeeyay sidii lacagtaas looga saari lahaa bankiga.

Tallaabooyinka ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli ay dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay isbedel weyn ku sameyn doonto hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin maaliyadda iyo caadalada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya