4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 19, 2013
Golaha wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay magacaabista labo safiir, soona dhaweeyay natiijada Shirka lagu qabtay Brussels


Khamiis, September 19, 2013 (HOL) — Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa kaasoo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumada, Cabdi Faarax Shirdoon, iyadoo kulankaas looga hadlay qoddobo ay ka mid yihiin natiijadii kasoo baxday shirkii lagu qabtay Brussels, soo-jeedin magacaabista labo safiir iyo weliba xaaladdaha guud ee dalka.

Shirka ayaa ugu horreyntii waxay golaha wasiirradu dhegeysteen warbixin la xariirta amniga, taasoo lagu sheegay in ciidamada amnigu ay toddobaadkan sameeyeen howlgallo ay ku beegsanayaan xubnaha ka tirsan Al-shabaab kuwaasoo maleegayay qorshayaal ka dhan ah amniga, waxayna la sheegay in howgalladan mid ka mid ah lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab oo uu ku jiro nin gacanyare u ahaa Abuu-mansuur Al Amriki oo Mareykan ahaa, kaasoo dhawaan lagu dliay dagaal ka dhacay gobolka Gedo.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa saxaafadda uga warbixiyay waxyaabihii kulanka looga hadlay afhayeenka xukuumada, Ridwaan Xaaji C/wali, isagoo xusay in goluhu ay shirkoodan kaga doodeen natiijada shirka Brussels ayna soo dhoweeyeen, iyagoo ku tilmaamay in ballan-qaadyada lacageed ee laga sameeyey shirkaasi ay qayb ka qaadan doonto horumarinta adeegyada kala duwan ee bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in golaha wasiirradu ay ka doodeen soo-jeedin ay golaha u soo gudbisay wasaaradda arrimaha dibadda kuna saabsan magacaabista safiirrada dalalka Imaaraadka Carabta iyo Ciraaq u fariisan doona Soomaaliya, waxaana labadan dal loo kala magacaabay Jen. Maxamed Sh. Xasan oo loo magacaabay Imaaraadka Carabta iyo Maxamed Shariif Abuu oo isna loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq.

Ugu dambeyn, afhayeenka xukuumadda ayaa sheegay in golaha wasiirradu ay soo dhaweeyeen horumarka ciidammada xooga dalku ay ka sameeyeen degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe, iyagoo ciidamada u soo jeediyay ammaan, waxayna xuseen in tallaabadan ay horseedeyso in dadka ku nool degmadaas la gaarsiisyo gargaarka ay u baahan yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya