4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 19, 2013
Kulan looga hadlay Nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya oo ay maanta ku yeesheen Muqihsho Salaadiin Soomaaliyeed (SAWIRRO)


Khamiis, September 19, 2013 (HOL) — Kulan ay isugu yimaadeen golaha slaadiinta Soomaaliyeed oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay nabadda iyo dib u heshiisiinta, iyadoo xubnihii kulankaas ka hadlay ay soo jeediyeen fikrado iyo talooyin kala duwan.

Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabisay hay’adda CCD iyadoo waxgaradkii kasoo qaybgalay ay ka digeen in la taageero Al-shabaab oo ay ku shegeen inay tahay koox dhibaatooyin kala duwan ka wadda gudaha dalka Soomaaliya.

Caaqil Khaalid Cabdi Jimcaale oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in odayaashu ay u taagan yihiin xalka ummadda, isagoo xusay in Al-shabaab ay iyagu is ugaarsanayaan, sidaa daraadeedna aysan odayaashu taageerin.

"Maanta Al-Shaaab iyagaa is-ugaarsanaya oo is baabi'inaya, awalba xaqdaro ayay ku heshiiyeen, Axmed Godane wuxuu laynaya raggii rag ugu dhawaan sida Al-amriiki iyo raggii kale ee gacantiisa midig ahaa, sidaa darteen waxaan ugu baaqaynaa dhallinyarada Soomaaliyeed inay kasoo laabtaan," ayuu yiri Caaqil Khaalid Cabdi.

Sidoo kale, Caaqilku wuxuu sheegay in dalku uu cagta saaray jidkii nabadda, barwaaqada, wadajirka iyo dib-u-dhiska, isagoo ka dhawaajiyay in dhallinta lasoo dhaweeyo, wacyi-gelin iyo tababarana la siiyo.

Suldaan Kamaal Salaad Xasan oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay odayaasha dhaqanku is-xilqaamaan oo ay ka qayb qaataan wacyi gelinta, isla markaana dariiqa saxda ah lagu toosiyo, lagana leexiyo jidka qaldan, isagoo xusay in ummadda Soomaaliyeed ay midoobeen si la isaga daaweeyo bur-burkii dalka ku dhacay.

Waxaa kaloo kulanka ka hadlay Suldaan C/casiis oo sheegay in odayaasha aanay cabsi gelin, islamarkaana ay xil iska saaraan sidii ay qaybtooda uga qaadan lahaayeen nabadeynta iyo xasilinta dalka, ayna ka shaqeeyaan sidii ay ummadda Soomaaliyeed isugu soo dumi lahaayeen.

Jeylaani Maxamed Coof  oo ka mid ah odayaashii kulanka ka hadlay ayaa ka sheegay goobta in duubabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inaan lasoo hoos-gelin fikradaha ku saleysan xagjirnimada, isla markaana laga hortago dul-duleellada.

Sidoo kale, Caaqil Jaah Ibraahim Xasan oo isna hadlay ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka loo abuuray dib u heshiisiinta iyo wacyi-gelinta, isla markaana ay ka fogaadaan inay gabbaad siiyaan Al-shabaab.

Guddoomiyaha golaha salaaddiinta Soomaaliyeed, Boqor Faarax Cabdi Guure oo gabagabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay inaysan odayaashu cabsi ku jirin isla markaana ay diyaar u yihiiin inay ka hortagaan wax walba oo dadka dhibaato ku ah. Isagoo xusay in naf walba ay maalinteeda go'ayso.

Ugu dambeyn, odayaasha dhaqanka ee kulanka ka qaybgalay ayaa fikrado is-weydaarsaday iyagoo sidoo kalena soo jeediyay talooyin la xiriiray sidii loo badbaadin lahaa ummadda Soomaaliyeed dalkana nabad loogu dabaali lahaa.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya