4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 19, 2013
Mudanayaal ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland oo mooshin ka dhan ah Madaxweynaha u gudbiyey shirgudoonka golahaasi

Khamiis, September 19, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa shirgudoonkoodda usoo gudbiyey mooshin loogu yeedhayo madaxweynaha si goluhu wax uga waydiiyo qodobo muhiiim ah oo khuseeya xaaladdda dalka.

Mudanayaashan mooshinka keenay oo ka kooban 11 xildhibaan ayaa madaxweyne Axmed Siilaanyo ka dalbaday inuu golaha horyimaado, waxaanay sheegeen inay mooshinkaasi waafajiyeen sharciyadda golaha iyo dastuurka Somalilandba.

Xildhibaanada ayaa doonaya in wax laga waydiiyo madaxweynaha heshiishkii lala galay shirkadda sahaminta Shiidaalka ee Genel Energy iyo sababta keentay in shirkada Duulimaadka Itoobiya u joojisay duulimaadyadii ay dalka ku iman jirtay.

Sidoo kale waxa madaxweynaha laga waydiinayaa musuqmaasuq iyo cadaalad daro laga tirsanayo xukuumadiisa iyo qaababka loo bixiyo qandaraasyadda.

“Waxaanu mooshinkan ku ururinay markii goluhu arkay in dhamaan heshiisyadda lala galay shirkadaha caalamiga ah oo  aan la horkeenin golaha, ayaa xildhibaanadu isla garteen in madaxweynaha arrintaasi wax laga waydiiyo”ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah xildhibaanadda mooshinka u gudbiyey shirgudoonka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in madaxweynaha ay wax ka waydiinayaan bixitaankii shirkadda Sahaminta shiidaalka ka waday gobolada bariga iyo heshiishkii lala galay iyo khilaafka soo kala dhexgalay diyaaradda Itoobiya iyo xukuumadda.

Si kastaba ha ahaatee, golaha Wakiiladda oo u badnaa muxaafad ayaa maalmahan u muuqdaan qaar la soo noqonaya shaqadoodii ay dayaceen ee ahayd inay la xisaabtamaan Xukuumadda, waxaanay suurtogal ah inay xukuumaddu dagaal ka gasho mooshinkaasi madaxweynaha lagula xisaabtamayo.

Dhinaca kale, xukuumadddu waxay hoteeladda ka mamnuucday inay shirar ku qabsadaan madasha wadatashiga iyo toosinta oo si weyn u dhaliila madaxweynaha.

Saddexdii sannadood ee u dambeeyey ayaanu madaxweynuhu arag mucaarad badan oo ka soo horjeedda, haseyeeshee waxa imika soo baxaya moojaddo mucaarado ah oo isku biirsanaya inay dhaliilo  badan usoo jeediyaan madaxweynaha.

Haseyeeshee madaxweynaha oo isagu ku jira safarkiisii shaqo ayaa xalay guure ku yimid magaaladda Balligubadle ee u dhow xadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Somaliland, isla markaana hore u ahaan jirtay xaruntii ugu weynayd ee jabhadii uu hogaamin jirtay ee SNM xarun u ahayd, waxaana la filayaa inuu halkaasi mashaariic uu xadhiga ka jaro.

Waa markii ugu horeysay ee madaxweynaha mooshin ka dhan ah la keeno golaha Wakiiladda Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland