4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 19, 2013
Gacan ka hadal dhexmaray Xildhibaannada aqalka hoose ee Baarlamaanka dalka Nigeria kaddib muran soo dhexgalay


Khamiis, September 19, 2013 (HOL) — Xildhibaannada aqalka hoos ee dalka Nigeria ayaa gacanta iskula tagay kaddib markii uu soo dhexgalay muran ka dhashay markii koox ka baxday xisbiga talada haya ee PDP ay damceen inay hadal ka jeediyaan baarlamaanka iyadoo dhinicii kalena uu iska hortaagay in kooxdaas ay ka hadlaan baarlamaanka.

Dagaalkan ayaa yimid iyadoo baarlamaanku uu kasoo laabtay fasax uu laba bilood ku jiray. Iyadoo gacan ka hadalkan ay billaabeen xildhibaannada ku jira xisbiga talada haya ee daacadda u ah madaxweyna dalkaas, Goodluck Jonathan iyagoo ku qaylinayaya inay kooxda kale fallaagowday, kaddibna uu halkaas ka dhacay dagaal gacmaha la iskula tagay kaasoo socday muddo 10 daqiiqo ah.

Xubnaha ka go'day xisbiga talada haya ayaa kasoo horjeeda in madaxweyne Jonatahan uu mar kale isku soo taago xilka madaxnimo ee dalkaas marka la gaaro sannadka 2015 oo ay dalka Nigeria ka dhacayso doorashada xilka madaxweynimo. Hase ahaatee madaxweynuhu illaa iyo hadda kuma uusan dhawaaqin inuu doonayo inuu isi soo sharraxo mar kale, laakiinse waxaa si weyn ugu ololeynaysa inuu xilka isku taago afadiisa.

Wariyeyaal ku sugnaa goobta ayaa sheegay inay arkeen laba xildhibaan oo midkooda laga jeexay shaarkii uu watay, halka midka kalena uu dhawaac fudud uu soo gaaray.

Aqalka baarlamaanka oo ku yaalla bartamaha magaalada Abuuja ee xarunta Nigeria, iyadoo telefishinnada dalkaas laga arkayay haweeney mudane ah oo ciddiyaheedii wejiga kaga fiiqday mudane kale iyo xubno kale oo kuraas isla dhacaya ama isku garaacaya.

Xisbiga PDP ayaa ku guuleysta doorasho kasta oo ka dhacda Nigeria intii ka dambeysay inqilaabyadii milateri ee dalkaas ka dhacay 1999-kii, waxaana uu madaxweyne Gunluck Jonathan xilka madaxweynennimada hayay tan iyo sannadkii 2010.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya