4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2013
Golaha Wakiilada Somaliland oo dood adag ka yeeshay Xeerka Wadooyinka iyo laba xildhibaan oo isku gacan-qaaday


Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Xildhibaanadda golaha Wakiiladda oo maalmihii u dambeeyey ka doodayey xeerka horumarinta wadooyinka oo xukuumaddu dalbadtay in cashuur kordhin looogu sameeyo xoolaha dhoofaya iyo Gaadiidka, ayaa mudanayaashu si weyn ugu kala aragti duwan yihiin kuwaas oo maanta gaadhay heer ay isku feedh feedhaan.

Mudaneyaasha Golahaasi ayaa si aad ah ugu kala aragti duwan xeerkan, waxaanay u qaybsameen laba garab, kuwaas oo ku kala aragti duwan xeerkan, iyagoo qaar doonayaan in duuduub lagu ansixiyo, halka qaar kalana doonayaan in aan la ansixin ee dib loogu celiyo madaxtooyadda, maadaama oo dhibaato u horseedi karto dadka danyarta ah.

Doodda xeerkan oo xasaasiyad ka dhex abuurtay golaha ayaa keentay inay laba xildhibaan isgacan saaraan, kuwaas oo markii ay is feedh feedheen la soo kala gaadhay, waxaanu gudoomiyaha goluhu ciidanka ku amray in labadda xildhibaanba dibadda golaha looga saaro.

Gacan ka hadalkani wuxuu dhex maray Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa  oo soo horjeeda Xeerka Horumarinta Wadooyinka ee cashuurta lagu kordhiyey xoolaha iyo Gaadiidka iyo xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe oo doonaya in la ansixiyo xeerkan.

Dagaalkan ayaa keenay ka dib markii xildhibaan Buubaa oo doodiisa dhiibinaya uu khalkhalgaliyey kana dhexgalay xildhibaan Kijaandho, ka dibna ay labadda xildhibaan dagaal ka gacan ka hadal ah isku geysteen.

Inkastoo aanay wax weyn is gaadhsiin hadana markiiba waa loo soo gurmaday, waxaana laga saaray golihii shirka.

Si kastaba ha ahaatee, Doodan ayaa ah mid xasaasiyad ah oo markii ugu horaysay kala qaybisay golihii muxaafadka u badnaa, kuwaas oo laba qaybood u kala jabay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland